Xogta natiijada wejiga saddexaad ee wada-hadalka mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland
Hargeysa (QJ)- Magaalada Hargeysa waxa maanta lagu gebagebeeyay wejiga saddexaad ee wada hadalka u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo mucaaradka dalka, kaas oo lagaga arinsanayo khilaafka doorashooyinka. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa sidan lagu yidhi: “Waxa sidii ballankii shalay ahaa si rasmi ah qasriga madaxtooyada uga bilawday wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda…
