Dhaq Dhaqaaq Xoogan oo Ka Socda Xayndaabka Xarunta Komiishanka Doorashooyinka Somaliland,Ergooyin Ku sii Qul qulaya & Waxa ka Jira in Murashixiinta Madaxweyne ee Xisbiyadu ay Saxeexeen Natiijadii Doorashadda DAAWO

Hargaysa 20. November 2017 (SDN/QJ):- Telefishanka Eryal oo Xaruntiisu tahay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa ayaa Goor dhawayd Shaaciyey in Xarunta Komiishanka Doorashooyinka qaranka ay ku Sugan Yihiin Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne ee Sadexda Xisbi qaran Kuwaas oo Qallinka ku duugaya Natiijada Sanaaduuqdii Codbixinta ee la dhamaystiray Isla markaana lagu Heshiiyey.

Read More

Komiishanka doorashooyinka oo Mar kale is-hortaagay Baadhista Sanaaduuqda Gabiley iyo Xisbiga Waddani oo ka Hadlay DAAWO

Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa mar kale is-hortaagay in la tiriyo Sanaaduuq ka tirsan Kuwa Cod-bixinta doorashadii Madaxtooyada dalka qabsoontay 13-kii bishan, gaar ahaan degmada Gabiley oo uu Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani cabasho iyo Dacwad ka gudbiyey, laguna Heshiiyey in baadhis iyo dib-u-tirin lagu sameeyo Sabtidii shalay. Xubnaha Xisbiga Waddani u…

Read More

UN Monitoring oo Soo Saartay Warbixin ay Diiradda Ku Saartay Heshiiska Saldhiga Berbera iyo Dp World ee Somaliland iyo Imaaraadka

Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-Kooxda UN Monitoring Group, ayaa warbixinteedii sannadlaha ahayd oo la soo daayay toddobaadkan dhammaaday waxa ay qaybo ka mid ah kaga hadashay Somaliland, gaar ahaan saldhiga milatari ee Imaaraadka laga siiyay Berbera iyo heshiiska ay DP world kula wareegtay dekedda Berbera Warbixinta waxa lagu sheegay in codayntii ay golaha wakiiladu ku ansixiyeen…

Read More

“Saleebaanoow Adiga iyo Walaalkay Siilaanyo Waxaan idin leeyahay Somaliland yey Gacantiinna Ku Guban..” Siyaasi Daahir Warsame

Burco 19. November 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf oo ka mid ahaa Halgamayaashii SNM, isla markaana ay Habro-wadaag yihiin Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Baaq Waayeelnimo iyo Mid Walaalnimo u diray Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Madaxweynaha Qaranka Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ugu baaqay maaddaama oo ay joogaan labadii Boos ee u sarreeyey dalka…

Read More

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Mar Kale Muraaqibiintiisii Kala Baxay Xarunta Guddida Doorashada!!

Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa mar kale muraaqibiintiisii kala baxay xarunta guddida Doorashada ee ay Ka socotay tirinta qaar ka mid ah codadkii laga dhiibtay gobolada dalka ee doorashadii madaxtooyada. Sida ay Wararka sheegayaan go’aanka xisbiga Waddani uu kula baxay muraaqibiintiisa uu ka dhashay ka dib markii ay guddida doorashadu ka…

Read More

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo Raysal Wasaaarihiisa ka Codsaday in aanay Simin Somaliland Iyo Somalia!!

Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Stephen Doughty oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa raysalwasaaraha Ingiriiska Theresa may ka codsaday inaanay is garab dhigin Somaliland iyo Somaliya oo aad u kala duwan, kala fogna. Xildhibaanka oo daba socda hadal ay raysalwasaaruhu kaga jawaab celisay su’aal uu xildhibaan weydiiyay oo ahayd inay hambalyo u dirto shacabka reer Somaliland…

Read More

Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Samaroon Oo Si Adag Ula Hadley Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Iyo Xukuumadda DAAWO

Boorama 19. November 2017 (SDN/QJ):-Hogaanka Dhaqanka ee Beelaha Samaroon ayaa waxay si adag ula hadleen Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ee Laga naawilayo inay ku dhawaaqaan Natiijadda Doorashadii Madaxtooyadda ee Qabsoontay 13-kii Bishan November Waxaa kale oo ay Weedho culus ku ganeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Read More

“Dalka Waxa Ka Dhacday Doorasho Xisbiga Kulmiye Fasahaadiyey, Masuuliyaddana Waxa Iska Leh Komishanka..” Aadan-Dhoollayare

Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-Siyaasiga Aadan Axmed Cilmi Dhoollayare, Xilalka Wasiirka Cadaaladda ioy Beerahabana ka soo qabtay Xukuumaddii Md. Rayaale, balse wakhtigan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in doorashadii Madaxtooyada 13-kii bishan qabsoontay uu Xisbiga Kulmiye Fasahaadiyey, Masuuliyadda Fashilka taaganna ay iska leeyihiin Guddiga doorashooyinku. Aadan-Dhoollayare oo Warbaahinta qaar la wadaagay Dhacdooyin…

Read More

Hargeysa: Dhalinyaro Si Adag isugu Qabtay Xafiiltanka Siyaasadeed ee Xisbiyada ay kala Taageeraan oo Is-Toogtay!!

Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-Laba Wiil oo Dhallinyaro ah oo reer Hargeysa ah ayaa ka dib markii ay isku qabteen Xafiiltanka Xiisadaha Siyaasadeed ee dalka ka jira, gaar ahaanna u dhexeeya labada Xisbi ee ay kala taageersanaayeen ama midkoodba mid taageersanaa, waxaanay isu adeegsadeen rasaas sababtay dhaawac. Sidaas waxa xaqiijiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi…

Read More

Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanku oo walaac ka muujiysay dad ku geeryooday mudaharaadyo dhacay doorashada kadib

Hargaysa 19. November 2017 (SDN/QJ):-15kii November 2017 mudaharaad ayaa ka dhacay qaybo ka mid ah Hargeysa, Burco iyo Ceergaabo kadib markii xubno ka mid ah xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay qabteen in “wax is dabo marini dhacday.” 13kii November 2017 ayaa Somaliland qabatay doorasho madaxweyne oo ay ku baratameen…

Read More

Zimbabwe: Xisbiga Maamula Dalkaasi oo Xilkii ka Qaaday Madaxweyne Robert Mugabi+  Ooridiisii Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF Iyo Mugabi oo La rabo inuu Xilka Madaxweyne Wareejiyo!!

Harare 19. November 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga maamula dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa Robert Mugabi ka qaaday xilka hoggaaminta xisbigaas. Waxaa loo magacaabay in xisbiga uu hoggaamiye ka noqdo madaxweyne ku xigeenkii hore, Emmerson Mnangagwa kaas oo laba Todobaad ka hor uu Mugabe ka Ertayay xilka. Shaqa ka eryida Mr Mnangagwa ayaa sababtay qalalaasaha siyaasadeed ee dalkaasi…

Read More

Midawga Afrika oo Baaq Ka Soo Saaray Suuqa iibinta Tahriibayaasha la Addoonsaday & Dalka laga Furay

Addis Ababa 19. November 2017 (SDN/QJ):-Ururka Midowga Afrika, ayaa ugu Baaqay Masuuliyiinta Dalka Liibiya inay baadhis ku sameeyaan  Suuqyo Adoonsi oo la sheegay in Muhaajiriinta Madowga ah lagu kala iibsado oo ku yaalla gudaha waddanka Liibiya. Baaqa Midowga Afrika, ayaa yimi ka dib markii Telefishinka CNN-ta ee dalka Mareykanka laga leeyahay laga sii daayey Muuqaallo naxdin…

Read More

Madaxweyne Siilaanyo oo Walaalkii ugu Baaqay inuu Dalka ka Badbaadiyo Afar Wiil oo Burbur la Maaggan,Sidii Daahir Rayaalena uu Wareejiyo Dal & Dad Midaysan!!! DAAWO

Burco 18. November 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Siilaanyo Habar-wadaaggii Rumaad, ayaa ka hadlay Xaaladda maanta Somaliland soo food-saartay iyo masuuliyadda iyo waajibaadka looga baahan yahay inay la yimaaddaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan-Gaal oo ku kala fadhiya labadii Kursi ee dalka ugu sarreeyey. Siyaasi Daahir Warsame Yuusuf oo ay Habro-wadaag yihiin Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Saleebaan…

Read More

Hadallada Is-burinaya ee Guddiga doorashooyinka Somaliland Isku Dhabar-jebiyeen DAAWO

Hargaysa 18. November 2017 (SDN/QJ):-Isniintii Hore ee Taariikhdu ahayd 13-kii Bishan November waxaa Somaliland ka qabsoontay doorashadii Madaxtooyadda oo ahayd tii ugu Xamaasada badnayd ee Somaliland ka dhacda. Komiishanka Doorashooyinka qaranka ayaa dhawrkii cisho ee u danbeeyay waxay ka hadleen habsami u socodka hawsha tirinta codadka doorashadii Madaxtooyadda.

Read More

Cabdillaahi-Jawaan oo Ka Talo-bixiyey Nidaamka Sharci ee lagu Sixi karo Qaladaadka Doorashada galay DAAWO

Hargaysa 18. November 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi-Jawaan), oo ka mid ahaa Guddigii ugu horreyeysay ee saddexdii doorasho ee u horreeyey Somaliland ka qabtay, ayaa sheegay in qaladaad ka dhacay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 13-kii bishan qabsoontay, waxaanay Sharraxaad ka bixiyey Masuuliyadda Sharci ee Guddiga doorashooyinka, Garsoorka looga baahan yahay iyo tallaabooyinka ay…

Read More

Taliyihii Hore ee Ciidanka Millateriga oo Sheegay Musharraxa uu la Jecelyey Madaxweynaha Somaliland DAAWO

Hargaysa 18. November 2017 (SDN/QJ):-Taliyihii hore ee Ciidanka Millateriga Somaliland Maxamed Cabdillaahi Xasan (Jidhif), ayaa Baaq u diray Bulshada, isla markaana u soo jeediyey inay nabadgelyada ilaaliyaan, wax dhibaato ahna aanay samaynin. Waxa uu Guddiga doorashada u soo jeediyey inay cadaalad u maamulaan doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 13-kii bishan. Kornayl Jidhif oo maanta…

Read More

Goob-Joogayaashii Caalamka Oo Ku Baaqay In Dariiq Sharci Lagu Xaliyo Khilaafka Doorashada Somaliland

Hargaysa 18. November 2017 (SDN/QJ):-Goobjoogayaashii  Caalamiga ee Doorashooyinka Somaliland ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada  ay khusayso inay u maraan jidka  ee la xidhiidha  sharci xalinta khilaafaadkooda doorashada. War saxaafadeed uu soo saaray  shalay Mr. Michael Walls  oo ah madaxa kormeerayaashii caalamiga ahaa ayuu ku sheegay inay xog-ogaal u yihiin cabashooyin ku saabsan nidaamka tirirnta codadka,…

Read More