“Waa Nasiib-darro in Xisbiyada lagu Waaniyo Hanna Qasina…” Musharrax Muuse Biixi & Dulucda Balanqaadyo Cusub oo uu Soo Bandhigay DAAWO

Hargeysa  26. September 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha ugu tartami doona Xisbigaas, ayaa sheegay inay nasiib-darro tahay in Xisbiyada Somaliland lagu waaniyo inaanay nabadgelyo-darro horseedin oo aanay degganaanshaha Dadka iyo Dalka qasin wakhtiga doorashada iyo ku dhawaaqista natiijada doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13-ka…

Read More

Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo Burisay in Macalimiintu aanay Wax Mushahar ah qaadan afar Bilood DAAWO

Hargaysa 26. September 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Wasaaradda Waxbarashadda ee Bariga Gobolka Maroodi Jeex ayaa Beeniyay hadal ka soo yeedhay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Sheegay inaan Macalimiinta la siin wax Mushahar ah afartii bilood ee u danbeeyay. Maamulka Waxbarashada ee Bariga Gobolka Maroodi Jeex ayaa sidaas ka sheegay xili shalay Macalimiinta la siinayay Mushaharkii…

Read More

‘’Muuse Biixi Waa Nin Inadeerkay Ah Laakiin Fartayda Anaa Iska Leh” Faadumo Siciid DAAWO

Gebilay 26. September 2017 (SDN/QJ):- La Taliyaha Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Marwo Faadumo Siciid Ibraahin ayaa xili ay ku sugnayd Magaaladda Gebilay Waxay Sheegtay in Gebilay ay Tahay Gurigeeda Waxaa kale oo ay Xustay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi uu Yahay nin inaadeerkeed ah balse ay xor u tahay farteeda.

Read More

Madaxweynaha Dalka Adduunka Ugu Da’da Yar Isla Markaana aan Weli Aqoonsi helin Oo Booqasho Hawleed Ku Yimid Somaliland!!

Hargaysa 26. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Xorta ah ee Liberland Md Vit jedilck oo uu wehelinayo Wasiirkiisa Madaxtooyada ayaa booqasho hawleed oo saddex maalmood ah ku yimid dalka Somaliland. Weftigan ka socda dalka Liberland ayaa ka soo degay gegida dayuuradaha ee Egal International Airport ee Caasimadda Hargeysa, waxaana dalka ku soo dhaweeyey Masuuliyiinta Wasaaradda…

Read More

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Somalia oo Diyaariyey Mooshin ka Dhan ah Dalka Isu taga Imaaraadka oo ay ku eedeeyeen inay kala Jarayso Midnimada Somalia  DAAWO

Muqdisho 26. September 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya bilaabay diyaarinta mooshin ka dhan ah dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in ay fara gelin ku heyso arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshahaasi ku aadan diyaarinta mooshinkaasi oo ay wadaan xildhibaanada…

Read More

“Maslaxad weyn ayaan ku qabnaa wadamada Immaaraadka iyo Sacuudiga” Maamul Goboleedyada Koofur-Galbeed iyo Galmudug

Muqdisho 26. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koofur Gableed oo booqasho ku joogay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa si wadajir u muujiyey taageerada ay u hayaan dowladaha Imaaradka iyo Sacuudiya, khilaafka ka taagan wadamada Khaliijka. Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa si weyn uga soo horjeestay mawqifka…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kuuriyadda Waqooyi oo Nidar ku Maray inay Dhulka soo Dhigi doonaan Diyaaradaha Maraykanka

New York 26. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arrimaha dibada ee waqooyiga Kuuriya ayaa ku eedeeyey madaxweynaha  Maraykanka Trump inuu ku dhawaaqay dagaal uu la galayo dalkiisa. Ri Yong-ho wasiirka arrimaha dibadu wuxuu warbaahinta ugu warramay magaalada New York, oo uu sheegay inay xaq u leeyihiin inay toogtaan oo ay dhulka soo dhigaan diyaaradaha maraykanka ee…

Read More

Madaxweyne Trump Oo Ballaadhiyay Amarkii Uu Mareykanka Uga Mabnuucay Dalal Ay Soomaaliya Ku Jirto

Washington 26. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarki uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed wadan. Amarka cusub oo dhaqangali doona 18-ka bisha October ayaa saameyn doona dadka u dhashay dalalka Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Somalia,…

Read More

Guusha Hogaamiyaha Jarmalka ee Angela Merkel waa mid aan cago badan ku taagnayn

Berlin 26. September 2017 (SDN/QJ):- Angela Merkel waxa ay u muuqatay qof aad u daalan markii ay kasoo muuqatay xarunta dhexe ee xisbigeeda CDU markii ay dhamaatay doorashadii. Markii ay gaariga kasoo dagaysay, waxa ay isu diyaarisey in ay u dhoolo caddayso kaamirooyinka warbaahinta iyo waliba dadkii badnaa ee xisbigeeda ka tirsanaa ee xarunta ku…

Read More

Madaxweynaha Turkiga oo Si adag uga Hadlay Aftida laga qaaday Kuurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq

Ankara 26. September 2017 (SDN/QJ):-  Madaxweyne Turkiga Rajab Dayid Urdugaan ayaa cambaareeyey aftida laga qaadayo Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq. Wuxuu carrabka ku adkeeyey inay tallaabo milatari qaadi doonaan haddii loo  baahdo, hadalkan madaxweyne ayaa yimid ka dib markii afti madaxbannaani ah laga qaaday kuridiinta ku nool waqooyiga Ciraaq shalay isniintii. Codeynta ka dhacaysay deegaanno uu khilaaf…

Read More

Xukuumadda Somaliland oo Jawaab Cad ka Bixisay Hadal ka soo Yeedhay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Gal Mudug oo Shalay lagu Xayiray Madaarka Hargaysa DAAWO

Hargaysa 25. September 2017 (SDN/QJ):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda duulista hawada Somaliland Cumar C/llaahi Aadan ayaa si kulul u beeniyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dowlada Somalia ku eedeeyey iney muddo shan saacadood ah ku xayirtay garoonka dayuuradaha Hargeysa. Cumar C/llaahi Aadan ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid la been…

Read More

Madaxweynaha Galmudug oo Sheegay in Dawladda Soomaaliya Saacado badan Ku Xannibtay Madaarka Hargeysa DAAWO

Cadaado 25. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa sheegay in Sheegay inay dawladda Federaalka Soomaaliya muddo shan saacadood ku siman ku xannibtay Axaddii shalay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Kadib markuu ka Yimid Dalka Imaaraadka. Madaxweyne Xaaf oo gelinkii dambe ee Shalay gaadhay magaalada Cadaado oo ah Xarunta…

Read More

Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil oo Deegaanka Bulxaar ka soo qabtay Jaad Kootarabaan ah oo Laga Keenay Dalka Yemen & Dadkii watay DAAWO

Berbera 25. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo ay Weheliyaan Taliyaha qaybta booliska ee Gobolkaas iyo Maamulaha Kastamka Magaaladda Berbera ayaa sheegay in Ciidanka Booliska iyo Laamaha kale ee amaanku ay gacanta ku soo dhigeen doon siday qaad sharci daro ah oo laga keenay dalka Yemen.

Read More

Laba Xildhibaan oo ka Tirsan Golaha Deegaanka Burco oo Maayarkooda Ku eedeeyay inuu iibiyay Dhulkii Xero dhiigta laga raray DAAWO

Hargaysa 25. September 2017 (SDN/QJ):- Laba ka mid ah Mudanayaasha golaha deegaanka ee Magaaladda Burco ayaa ku eedeeyay Maayarka Magaaladaasi Maxamed Cabdi Muraad inuu ganacsato gaar ah ka iibiyey dhulkii xero dhiigtii hore ee Magaaladda Burco oo ay xuseen inay rabeen in laga dhigo dugsi waxbarasho.

Read More