Wasiirka Warfaafinta oo Sharaxay Sababta uu Tiradii ugu Badnayd ee Hablo ah Xilal ugu Magacaabay!! DAAWO

Hargaysa 24. September 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa ka hadlay Sababta ay ku Timid Xilal uu u Magacaabay 12 Hablood oo ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta Isla Markaana ay soo dhaweeyeen Ururada Haweenka Iyo Ka Saxafiyiinta Hablaha Somaliland.

Read More

Maxay Salka ku haysaa Khilaaf ka dhashay Shirkii Shalay ee Xisbiga Ucid ku Shaacinayay Murashax ku Xigeenka Madaxweyne,Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Ucid Iyo Gudoomiyaha Ku Meel gaadhka Xisbiga Ucid? DAAWO

Hargaysa 24. September 2017 (SDN/QJ):- Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Ucid ayaa lagu Shaaciyey Murashaxa Jagada Madaxweyne ku xigeenka xisbiga ucid iyo Mas’uuliyiin kale oo Xilal ka qabanaya Xisbiga Ucid. Hadaba Gudoomiyaha Garabka dhallinyaradda heer qaran ee Xisbiga Ucid iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Xisbigaas ayaa sheegay in shirkii…

Read More

Maamul Goboleedka Punt Land oo Gacanta ku dhigay Hub tiro badan oo qaab qarsoon loo geliyay DAAWO

Boosaaso 24. September 2017 (SDN/QJ):-  Ciidamadda badda Puntland  ee PMPF ayaa magaaladda Bosaso ku soo bandhigay qayb ka mid ah hub si sharci darro ah la doonayay in lagu soo galiyay Puntland. Hubkan ayaa saarnaa laash nooca shabaxa ah, waxaana laga dejinayay xeebta magaaladda Bosaso. G/Sare Maxamed Maxamuud Xasan oo ka Tirsan ciidamada Badda Puntland …

Read More

Dalka Iiraan oo sheegey inay ku guulaysteen Tijaabinta Gantaal Cusub oo ridadiisu ay tahay Laba kun  oo kilo mitir, kaasi oo qaadi kara Madaxyo dhowr ah DAAWO

Tehran 24. September 2017 (SDN/QJ):- Muuqaalo uu sii daayey Telefishanka Rasmiga ah ee dalka Iiraan ayaa muujinaya tijaabinta Gantaalkaasi  hase ahaatee  telefishanku Ma sheegin taariikhda Gantaalkaasi Cusub oo loo bixiyey “Kharmashahar” taariikhda la tijaabiyey. Gantaalka Khoramshahr ayaa marka hore lagu soo bandhigay dhoolatus milateri oo lagu qabtay magaalada Tehraan. Waxa uuna gantaalkan awoodaa inuu xambaaro…

Read More

Waddamo door ah oo Xubin ka ah Qaramada Midoobay oo Dalbaday in dib loo habeeyo qaab dhismeedka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay & Sababaha ay Cuskanayaan!!

New York 24. September 2017 (SDN/QJ):- Dalal Dhowr ah ayaa Golaha Jimciyada Guud ee Qaramada midoobay ka dalbaday in Dib u hayabayn dhakhso ah lagu sameeyo Golaha amaanka Qaramada Midoobay, Golahaas oo ay sheegeen qaabka dhismihiisa iyo hannaanka uu u shaqeeyaaba in ay yihiin hanaankii loo dejiyey Waqtigii Dagaalkii Labaad ee aduunka. Golaha amaanka ee…

Read More

Shiinaha oo Shaaciyey inay yaraynayaan Xidhiidhka Ganacsi ee ay la lahaayeen Kuuriyada Waqooyi

China 24. September 2017 (SDN/QJ):- Dalka Shiinaha ayaa ka dhawaajiyey inay xadidayaan xidhiidhkii Ganacsi ee ay la lahaayeen dalka Kuuriyada woqooyi iyaga oo fulinaya Qaraarkii Golaha amaanku xayiraada dhaqaale ku saaray dalkaasi. Wasaaradda Ganacsiga dalka shiinaha ayaa waxay sheegtay inay joojin doonaan dharkii looga iib keeni jirey Kuuriyada woqooyi, sidoo kalena ay xadidi doonaan Ganacsigii…

Read More

Gudoomiye Cirro oo Sheegay in Masuuliyiin Xukkuumadda & Kulmiey Ka Tirsan uu Ku Caddaaday Kiiska Wiil Dila lagu Dilay, Kana Hadlay Qodobbo Xiiso leh DAAWO

Boorama 23. September 2017 (SDN/QJ):-Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxmaed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay cidda iska leh Masuuliyadda Wiil Dhalinyaro ah oo Dorraad Ciidammada Ammaanku ku toogteen degmada Dila ee gobolka Awdal, halkaas oo lagu soo dhawaynayey Wefti uu Cirro hoggaaminayey. Cirro waxa uu sheegay in Masuuliyiinta degmada Dila ee dawladda…

Read More

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo Sida Fiinta uga qayliyay Madax dhaqameed Xisbiga Waddani u Diray Gobolka uu ka soo Jeedo DAAWO

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Axmed Muumin Seed oo Wakhti dheer soo ahaa Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa dhaliilo u soo jeediyey Hogaanka Xisbigaas oo uu sheegay inay Miciin bideen inay Madax dhaqameed u diraan Gobolada Somaliland si ay Taageero ugu raadiyaan Murashixiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibada oo Ka Hadlay Carqalada ka Taagan Marso Xeebeedka Berbera Iyo Sababta Laba Aqoon Yahan uga Baaqdeen Shirkii Dr Bulxan kaga Qayb galay Turkiga

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay cabashada ka taagan dekedda Berbera ee lagu wareejiyay shirkadda DP world, waxaanu sheegay in cabashooyinka qaarkood la xaliyay, qaarna lagu gudo jiro. Sidoo kale wuxuu wasiirku ka hadlay halka uu marayo saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabta laga siiyay dekedda Berbera….

Read More

Khudbad uu Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ka Jeediyey Madal Maanta Loo Sameeyay Shaacinta Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Ucid DAAWO

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa doortay Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbigaas, waxaana Xafladda doorashada ka dib halkaas Khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey Guddoomiyaha ahna Musharraxa Madaxweynaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe.

Read More

Nuxurka Khudbad Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somalia ka Jeediyey Shirkii Golaha Qaramada Midoobay ee New York DAAWO

New York 23. September 2017 (SDN/QJ):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay khudbada dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyaay shirka Golaha Guud ee QM ee magaalada NewYork ee Dalka Mareykanka isagoo kaga hadlay xaaladda Soomaaliya. Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaarah Soomaaliya ayaa khudbadiisa kaga ahdlay dhinacyada, ammaanka,siyaasadda,dhaqaalaha, dagaalka ka dhanka ah…

Read More

Madal uu Maanta Xisbiga Ucid Ku Soo bandhigay Murashaxa Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbigaas DAAWO

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Maanta shaaciyey Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen ee Xisbigaas kaas oo mudo dheer laga sugayay sida uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi u soo Cugan lahaa. Siyaasigan oo Madaxweyne Ku Xigeenka ugu tartamaya Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo ka soo…

Read More

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg oo Ku Dhawaaqay In Isaga Iyo Beeshiisu ku Biiri doonaan Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa sheegay in isaga iyo Beesha uu ka soo jeeda ee Maxamed Daa’uud ay isla garteen inay Xisbiga Waddani ay ku biiraan, waxaanu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye ay Beeshiisu ku hungawday, oo wax alaale waxa uu u qabtay aanay…

Read More

“HIJRO, Waa Marka Dhulka Gaalada Laga Tago Ee Dhulka Muslimiinta La Tago, Laakiin Maanta Maxaa Ka Jira Dunida Muslimka..”? Sheekh Aadan-Siiro DAAWO

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka warramay Taariikhda Hijriga iyo Sannadka cusub ee Islaamka ee 1439-ka oo Doraad Curtay. Sheekh Aadan-Siiro oo Xuska Sannadka Cusub ee Islaamka awgeed khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Taariikhda Hijriga, ayaa ka warramay Taariikhda Higriga bilowgeedu inuu ahaa Wakhtigii uu Nebiyullaahi Muxamed ka…

Read More

Odayaal iyo Dhalinyaro Xukuumadda Siilaanyo iyo Dawladda Hoose Ku eedeyay Dilka Wiil lagu Dilay Dila DAAWO

Dila 23. September 2017 (SDN/QJ):- Odayaal iyo Dhalinyaro Reer Dila ah, ayaa Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Maamulka dawladda hoose ee Degmada dila ku eedeeyey Masuuliyadda Dilka Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay degmada Dila oo ka tirsan gobolka Awdal. Wax-garadka, Odayaasha Dhaqanka iyo Dhalinyaradaa Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey Dilka Wiilka dhintay Allaah…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Deeq Gaadhsiisay Cusbitaallada Gabiley iyo Wajaale DAAWO

Hargaysa 23. September 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somamaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa  Deeq Lacageed ku wareejisay Cisbitaallada Gabiley iyo Wajaale. munaasibad lagu qabtay Magaaada Gabiley ay ka qayb-galeen Masuuliyiinta Cisbitaalka Dhimirka iyo maamulka degmada Gabiley. Lacagtan ay wasiirka Maaliyadu ku wareejisay Maamulka Cisbitaalka Dhimirka uu qadarkeedu dhamaa 10,000 toban kun oo Doollar. Maayirka Degmada…

Read More

Madaxweynaha Kenya Oo Inliqaab Ku Sheegay Doorashada Ku Celiska Ah Ee Dalkiisa

Nairobi 23. September 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha haya tallada Dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ku tilmaamay go’aankii maxkamadda sare ee lagu laalayay doorashadii Madaxtinimada dalkaas Inqilaab lagula kacay dalka Kenya. Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday doorashadii Madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday, kaddib markii siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ugu weyn dalkaa dacwad u…

Read More