Basaasiin u Shaqeeya Mossad oo hadana ka Tirsan Kooxaha aadka ugu Dhow Hogaamiyaha Kacaanka Iran Aayatulaah Cali Khamena’ii!!

Tehran 18. August 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta dalka Iiraan ayaa sheegtay in sirdoonka dalkaasi uu toddobaaddadii u dambeeyey xabsiga u taxaabay xubno ka tirsan kooxaha aadka uga agdhow wadaadka ugu sarreeya kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan iyo ciidamada awoodda badan ee ilaalada kacaanka, iyada oo lagu eedaynayo in ay ka tirsan yihiin wakaaladda sirdoonka Yuhuudda ee…

Read More

Fariin iyo Sawirro uu Twitter-ka soo dhigay Obama oo Saameyn badan yeeshay

New York 18. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa laga yaabaa in Twitter-ku yahay barta uu madaxweyne Trump ugu jecel yahay marka uu doonayo in uu fariin gudbiyo, laakiin fariin uu bartaas ku qoray madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa noqotay midda loogu jecelyahay taariikhda Twitter.   Qoraalkani tweetarka, oo ah kii ugu horeeyay saddex qoraal…

Read More

Ma La Socotaa Akhriste in Cunto Karintu ay Koriso Maskaxdda?

London 18. August 2017 (SDN/QJ):- Golaha sare ee caafimaadka maskaxda oo ka jira dalka Ingiriiska ayaa dadka kula taliyey in ay qabtaan hawlaha xamaasadda iyo dhiirrigelinta maskaxda ku abuura oo ay ka mid yihiin cunto karinta, garaacista muusigga, farshaxanka iyo daryeelka beeraha, waxa aanay sheegeen in ay xitaa ka faa’ido badan tahay noocyada ciyaareed ee…

Read More

Uurka Iyo Urta Dhididkuba Waa Sababaha ay  Kaneecadu u Jeceshahay inay Qofka Qaniinto

Khartum 18. August 2017 (SDN/QJ):- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Suudaan ayaa daahfurtay in dumarka uurka leh ay qaniinyada kaneecadu laban-laab ku badan tahay marka la barbar dhigo dumarka aan uurka lahayn. Waxa ay cilmibaadhayaashu tilmaameen in sababtu ay tahay maaddooyin gaar ah oo kaneecada soo jiita oo xilliga uurka soo raaca neefsiga iyo urta maqaarka…

Read More

Xaaska Madaxweynaha Zimbabwe oo Maxkamad la soo Taagayo Kadib Markii ay Gacan u qaaday Haweenay ay Hoteel wada Deganaayeen

Johannesburg 18. August 2017 (SDN/QJ):- Haweeneyda u dhaxda Madaxweynaha Zimbabwe, Grace Mugabe ayaa la soo taagayaa maxkamad ku taalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ka dib markii lagu eedeeyey inay u gacan-qaaday haweeney kale oo ay hotel wada degenaayeen. Grace ayaan la dhigin xabsiga maadaamaa ay adeecday amarada booliiska, balse waxaa la soo taagayaa…

Read More

Korodhka Qaxoontiga ka soo Cararaya Xasilooni darada Dalka Koonfurta Sudan & Warbixin ay soo saartay Hay’ada UNCHR

New York 18. August 2017 (SDN/QJ):- Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay si weyn kor ugu kacday tirada dadka qaxootiga ah ee ka soo cararaya xasiloonidarada ka jirta Koonfurta Sudan soona gelaya dhanka dalka Yugaandha. UNHCR waxa ay sheegtay in tirada qaxootigaasi ay haatan gaadhayso…

Read More

Boqortooyada Sucuudiga oo Amartay Nidaam Cusub oo Xujayda Qatar ay ku Soo Gudanayaan Waajibaadka Xajka & Maskaxda ka Danbaysay Qorshahan

Riyadh 18. August 2017 (SDN/QJ):- Boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan bin Cabdicasiis ayaa amray in xujaajta dalka Qatar ka imanaysa lagu soo daadgureeyo diyaaradaha Sucuudiga isla markaana aan la weydiin wax fiisayaal ah, waana talaabo loo arko in Boqorku ku dhamaynayo mushkiladii dhanka xujaajta reer Qatar ee warbaahintu hadalhaysay. Qorshahan ayaa lagu sheegay inuu yahay…

Read More

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya oo Cadeeyay inaanu Dagaal ka dhacayn Gacanka Kuuriya

Seoul 18. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Jim Moon oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Seoul ayaa mar kale ku dhawaaqay in aanu dagaal ka dhacaynin gacanka Kuuriya, isla markaana uu dadaal ugu jiro sidii xaalada loo dejin lahaa. Madaxweynahu waxa uu ka hadlay in ay Maraykanka ka wada hadleen oo ku heeshiiyeen in…

Read More

Madaxweynaha AlJeeriya Cabdicasiis Butafliiqa oo Xilkii ka Xayuubiyey Raysal Wasaarihiisii

AlJeriya 18. August 2017 (SDN/QJ):- Wakaalada wararka ee Dalka Aljeeriya ayaa baahisay in madaxweyne Cabdicasiis Butafliiqa uu xilkii ka qaaday raysalwaaarihii dalka Cabdilmajiid Tabbuun. Wakaalada oo soo xiganaysay Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada dalkaasi ayaa waxa ay sheegtay In Madaxweynuhu Raysalwasaare u magacaabay Axmed Aw-yaxya oo hore Raysalwasaare uga ahaan jiray wadanka. Raysalwasaaraha xilka laga…

Read More

Xukuumada Shiinaha oo Madaxweyne Donald Trump Ku Eedeeyay inuu Khal Khal Gelinayo Ganacsiga Labada dal ka dhexeeya

China 18. August 2017 (SDN/QJ):- Afhayeen sare oo u hadashay wasaarada arimaha dibada ee Shiinaha Miss: Jiin ayaa ku eedeysay in maamulka madaxweyne Donald Trump carqalad iyo khalkhal la damacsan yahay xidhiidhka ganacsi ee labada dal ka dhaxeeya, iyadoo xustay in Shiinuhu difaacan doono danihiisa ganacsi. Miss: Jiin waxa ay intaasi raacisay in madaxweyne Trump…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo & Xubno Weheliya oo Saaka u Kicitimaya Dalka Imaaraadka & Ujeedada Safarkiisa

Hargaysa 18. August 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa Saaka u Kicitimi doona Dalka Isu taga imaaraadka carabta. Inkasta oo Mas’uuliyiinta Xukuumaddu aanay ka hadal Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ayaa Warar madax bannaan oo Shabakada Qurbejoog ka heshay ilo u dhuun daloola Madaxtooyadu ay sheegayaan in Safarkan…

Read More

Xogo Dheeraad ah oo Ku Saabsan Koox Hubaysan oo Caawa Magaaladda Laascaanood Ku Dilay Laba askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka & Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay

Laascaanood 17. August 2017 (SDN/QJ):- Koox ku hubaysan hubka fudud ee sida daran dooriga u dhaca oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa lagu soo waramayaa inay Caawa Fiidkii weerareen goob ka mid ah kuwa kaadh-ka codaynta laga qaadanayo  ee gobolka sool . Wararku waxay intaas ay ku darayaan in labadii askari ee ilaalinayay goobtaasi ay…

Read More

Khasaaraha dhimasho ee weerarkii Barcelona oo kordhay & wararkii ugu dambeeyey

Barcelona 17. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkii caawa ka dhacay magaalada Barcelona iyadoo faahfaahino kala duwan ay soo baxayaan. Weerarkan ayaa yimid ka dib markii Nin uu gaari jiirsiiyay dad badan oo ku sugnaa xaafadda Las Ramblas ee caanka ku ah dalxiiska ee magaalada Barcelona.   Dowladda gobolka…

Read More

“Abiib Timacad Oo Aad Uga Hadlay Ceerigaabo, Dabadeed Shacabkii Reer Ceerigaabo Oo Aad Ulayaabay, Waa Kuwa Af-maakhiriga Ku Hadla. Waxay Yidhaahdeen Waar Bayle Magaaladii Hargeysa Muraayadihii Cimrigu May Ka Dhamaadeen? Wasiirka Hawlaha Guud DAAWO

Ceel Afweyn 17. August 2017 (SDN/QJ):- “Dad Wax Matarayaal Ah, Hadal Oo Un Meel La Taagan, Waligoodna Ku Jiray Siyaasadda..Reer Gabileyna Waxay Yidhaahdeen, Tabakaayo (Hadda Waa Sadaqad-yar Oo Jiigad Ah), Meel Uu Ka Dhisay Abiib Timacad, Haddii La Helo, Anaga Na Soo Doonta..” Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa…

Read More

Dood Ka Dhalatay Hadal Uu CIRRO Ku Sheegay In XIRSI Bilaabay Jidka Burco-Ceerigaabo & Taallo Summad U Noqonaysa Cidda Ay Taariikhda U Geli Doonto Oo La Dhagax-dhigay

Gar-adag 17. August 2017 (SDN/QJ):-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Axmed Cali Baynax oo ay wehelinayeen Xubno Madax-dhaqameed ah, ayaa Shalay Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag ka dhagax-dhigay Taallo. Taalladan oo la sheegay inay Astaan u noqonayso in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu hirgeliyey Waddada dhismaheedu socdo ee isku xidha Magaalooyinka Burco iyo…

Read More

Khasaaraha Ka Dhashay Weerar Miidaamo ah oo lagu Qaaday Caasimada Spain ee Barcelona & Wararka Hordhaca ah ee Boolisku Sheegeen

Barcelona 17. August 2017 (SDN/QJ):-Weerar loo adeegsaday Baabuur dad la jiidhsiiyey ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Barcelona ee dalka Spain, halkaasoo labo qof lagu dilay qaar kale oo badana lagu dhaawacay. Booliska ayaa qoraal ay soo dhigeen twitter-ka ku sheegay in baabuur si xooggan loogu dhuftay dad ku sugnaa goobta loo dalxiiska tago ee Las…

Read More