Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mr Ramaax oo Amarok u Soo Rogay Huteelada Magaaladda Burco & Ujeedada uu Ka Leeyahay

Burco 24. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Badhasaabka gobalka Togdheer Md.Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa si cad isu hor-istaagay xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga WADDANI uu hotel Kaafi ee magaalada Burco ugu sameynaayey garabkii aqlabiyadda Xisbiga UCID ee gobalka Togdheer oo halkaasi kaga dhawaaqayey in ay ku soo biiraan Xisbigaasi.   Ma jiraan ilaa hada wax…

Read More

“WADDANI Waxa Ku Jira Kuwii Xamar Ka Yimid, Kuwii KULMIYE Ka Cadhooday, Mus-dambeedkiisu Waa UDUB, Cirro Waa UCID, Markaa Maaha…” Eng Faysal Cali Waraabe

Hargaysa 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Shacabka Somaliland ay Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Xisbiyada ku kala dooranayaan Waxyaabaha ay Dadka iyo Dalka u soo qabteen ee Taariikhda ugu jira, laakiin aanay siyaasad iyo Dawladnimo ahayn in Xisbiyadu soo urursadaan taageerayaal lagu soo…

Read More

Nuxurka Kulan Balaadhan oo Dhexmaray Golaha Guurtida iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe & Qorshayaasha Wax ka qabashada Sicir bararka DAAWO

Hargaysa 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somalilnad Md Maxamed Cabdi Ibraahin ayaa maanta hortegay Gudida joogtada ah ee golaha guurtida waxana uu uga warbixiyey qorshayaasha xukuumadu waddo ee lagu doonayo in wax lagaga qabto sicir bararka iyo qiimaha sarifka doolarka ee maalinba ta xigta kor u sii kacaya.

Read More

Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka Donald Trump oo Maxkamad lala korayo Xili uu xilka hayo Maalmo kooban

Washington 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wali wajahaya dhibaato kaga imanaeysa dhinaca sharciga iyo sidoo kale dadka kasoo horjeeda in uu Hogaamiyo dowlada Mareykanka. Donald Trump ayaa xilka Madaxweynaha dalka Mareykanka si rasmi ah ula wareegay 20-kii bishan, waxaana Madaxweynaha cusub ayaa wajahaya culeesyo badan ay ku jiraan dacwado laga…

Read More

Guddoomiye CIRRO Oo Madaxweynaha Ku Amaanay Inuu Xisbiyada Mucaaradka Ah Ku Raacay In Doorashada Dib Loo Dhigo

Hargaysa 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay Xaaladaha is-biirsaday ee Shacabka Somaliland ku jiraan, sida Abaarta Adag ee Dalka ka jirta, Dhoofka Xoolaha ee la joojiyey iyo Sicir-bararka Doollarka. Guddoomiye Cirro oo Shalay khudbad ka jeediyey Munaasibad uu Xisbiga WADDANI ku…

Read More

Madaxweyne Trump Oo Ka Cadhooday Sawir La Isku Barbar-dhigay Tirada Dadkii Ka Qayb-galay Dhaarintiisii Iyo Tii Obama

Washington 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Warbaahinta dalka mareykanka, ayaa si cadho leh uga jawaabay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha cusub Donald trump. Madaxweynaha ayaa warbaahinta ku eedeeyay inayna daacad ahayn, ka dib markii ay ka warrameen in dad badan ayna ka qeybgalin munaasabaddii lagu dhaariyay. Trump ayaa sheegay in 1.5 milyan oo qof ay ka qeybgaleen munaasabadda,…

Read More

Maamul-Gobolleedka Puntland Oo Qiimo Gaar Ah U Samaysay Sarrifka Lacagta Dollarka & Xukuumadda Somaliland Oo Ku Daawanaysa Shacabka La Il-daran Duruufaha Is-biirsaday

Boosaaso, 23 Jeeniweri, 2017-(SDN/QJ): – Maamul-gobolleedka Puntland, ayaa go’aan ka gaadhay sarifka lacagta doolarka, kadib kulan ballaadhan oo ka dhacay magaalaada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka gobolka Bari, Wasiirka maaliyadda Puntland iyo ganacsatada magaalada. Waxaa kulanka lagu go’aamiyay in sarifka lacagta dolarka ah laga dhigo gacanta hore…

Read More

BADHAN: Saddex Carruur Ah Oo U Geeriyooday Biyo Ay Cabbeen, Xanuun Dadka Sanka Dhiig Ka Imanayo Oo Dillaacay Iyo Tirada Cisbitaalka La Dhigay

Badhan, 23 Jeeniweri, 2017-(SDN/QJ): – Saddex Carruur ah oo Laba Walaalo ahaayeen, ayaa Habeen hore ku Geeriyooday Deegaanka Sin-caaro oo ka mid ah Deegaannada hoos taga degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag ee Somaliland. Saddexda Carruur ah oo labada Walaalo ah Da’doodu kala ahayd 7 jir iyo 15 Jir, oo Maalmihii u dambeeyay u jiifay…

Read More

War deg deg ah: Dagaal culus oo ka qarxay degmada Afgooye & Al-shabaab oo gudaha u galay

Muqdisho 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Dagaal aad u culus ayaa goor dhow ka qarxay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaraya ciidamada dowlada, AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu bilowday ka dib markii xoogaga Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen degmadaas gaar ahaan koonfurta iyo galbeedka. Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM…

Read More

Xukuumadda Xabsiga Dhigtay Dablay Abaabulan Oo Shalay Weerar Liid-nimo Ah Ku Qaaday Masaajid Lagu Cibaadaysto Oo Ku Yaala Magaalada Berbera + Khasaaraha Ka Dhashay

Berbera 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Ciidanka booliska magaalada Berbera ayaa maalintii shalay ahayd si adag uga hor tegay weerar wax-shimo ah oo ay koox abaabulani ay doonayeen in ay ku burburiyaan guri kamid ah guryaha illaahay ee lagu cibaadayso, kaasi oo ku yalaa magaalada Berbera. Kooxdan weerarka ku soo qaaday dhismaha Masaajidka ayaa doonaysay in ay xoog…

Read More

Daawo Sawiro :Dalkii Marti galiyay Koobka Qaramada Africa oo la reebay isaga oon laga badin & Laaciibiin ilmeeyay

Gabon 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Laacibiinta xulka Qaranka Gabon ayaa garoonka dhexdiisa ku ilmeeyay ka dib markii ay wareega hore kaga hareen Koobka Qaramada Africa oo sanadkaan dalkooda lagu qabtay . Gaboon ayaa bareejo 0-0 ah waxeey la galeen xulka Cameroon oo 5-dhibcood watay taas oo ka dhigan inay tartanka koobka ka hareen maadaama xulka Burkino…

Read More

C/Raxmaan Faroole oo Ciidamo gaar ah la yimid Muqdisho iyo Layaabkii shalay ay sameeyeen!

Muqdisho 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole waa mudane ka tirsan aqalka sare ,21-kii bishan ayuu yimid Muqdisho, dadkoo dhami waxaa ay sugayeen xiliga uu Faroole imaan doono Muqdisho madaama uu yahay hogaamiye ay ku adagtahay qadiyada Puntland, ulama jeedo inuu neceb yahay Muqdisho laakiin waxaa laga dareemaa xisaabtan siyaasadeed oo hufan oo kala…

Read More

Kenya oo sheegtay ineysan joojineyn duulimaadyada Soomaalida ee lagu baaro Wajeer

Muqdisho 23. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Dowladda Kenya ayaa sheegtay iney sii wadeyso Baaritaanadda lagu hayo Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia ee sii mara magaalada Wajeer. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duullimaadka Diyaaradaha Rayidka ee Kenya, Gilbert Kibe ayaa sheegay inay waajib tahay in dayuuradaha ka ambabaxa Muqdisho ee ku sii jeeda Nairobi sababo dhinaca ammaanka ah awgood lagu…

Read More

Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Aqalka oo goordhaw la doortay

Muqdisho 22. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya lagu doortay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ay ku tartamayeen ilaa 7- Musharax oo katirsan Aqalka sare. Doorashada oo aheed mid iyana adag ayaa gaartay ilaa sadex wareeg, waxaana wareega ugu dambeeya isugu soo haray labo Musharax kadib markii Musharaxiintii kale ay…

Read More

War Deg Deg Ah : Gudoomiye kuxigeenka Koobaad ee Aqalka sare oo hada la doortay

Muqdisho 22. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Waxaa hada xarunta Aqalka sare ee magaalada Muqdisho lagu soo gabo gabeeyay tirinta Codadka wareegii ugu dambeeyay Doorashada Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya . Doorashada kursigan oo aheed mid aad u adkeed wareeg sedexaadna loo gudbay ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo…

Read More

Xildhibaan Dhalasho ahaan Ka Soo Jeeda Somaliland oo Loo Doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia SAWIRO

Muqdisho 22. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Waxaa goordhaw xarunta Aqalka sare lagu soo gabo gabeeyay Doorashada Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanaka Soomaaliya, waxaana doorashadan ku tartamayay labo Xildhibaan oo katirsan Aqalka sare. Xildhibaanada maanta wax dooranayay ayaa gaarayay 52- Xildhibaan , waxaana doorashadan ay aheed hal wareeg kaliya, waxaana kusoo baxay Xildhibaanka helayay coddakii ugu badnaa. Waxaa…

Read More