Webmaster

Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweyne Muuse Biixi oo Galabta Ku Soo Laabtay Caasimadda Hargaysa Iyo Wasiirka Waxbarashadda oo Faahfaahin ka Bixiyey Qodobadii ay ka Wada hadleen Madaxda Itoobiya SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 18. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu Hogaaminayay oo Booqasho rasmi ah ku Joogay Caasimadda Dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa galabta dib ugu soo laabtay Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Read More

Tartan Orodka ah oo Dhex Maray Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Iyo Orodyahanka Sir Mo Farah Iyo Cida Guulaystay SAWIRO/DAAWO

Addis Ababa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hor intii aanu ka soo ambo bixin Magaaladda Addis ababa waxa uu kulan la qaatay Orod-yahanka Caalamiga ah ee Sir Mo Faarax oo ka soo Jeeda Jamhuuriyadda Somaliland balse haysta Dhalashada Ingiriiska.

Read More

Baarlamaanka Punt land oo xukuumadda Madaxweyne Gaas ka dalbaday in ay Difaacdo Deegaanka Tukaraq AKHRI

Garowe 18. January 2018 (SDN/QJ):-Kulan ay maanta isugu yimaadeen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Maamulka Puntland ayey xukuumadda kaga dalbadeen in ay xoogga saarto sidii degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ay dib ugu celin lahaayeen gacanta Maamulka Puntland. War-saxaafadeed uu ku saxiixanyahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayey Guddigu ku taageereen qorshaha Xukuumadda ee ah in Puntland…

Read More

Galaydh Oo Socdaal Uu Taageerayaashiisa Kaga Dhaadhicinaya Ahmiyadda Heshiiskii Khaatumo Iyo Somaliland Ku Maraya Gobollada Sool & Buuhoodle DAAWO

Laascaanood 18. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh oo tan iyo markii uu Somaliland Heshiiska la saxeexday ku sugnaa Magaalada Hargeysa, balse dhawaan ku laabtay Magaalada Buuhoodle, ayaa Shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Kalabaydh ee Gobolka Sool. Madaxweynaha Khaatumo oo deegaannada Gobollada Sool iyo Buuhoodle ku mari doono safar qayb ka ah dhaqan-gelinta heshiiskii…

Read More

Prof Ismaaciil Buubaa Oo Sheegay In Somaliland Go’doon Noqon Karto Hadday Xilligan Ka Guurto Lambarka Dal Ku-galka Ee Dunida Ku Xidha DAAWO

Hargaysa 18. January 2018 (SDN/QJ):-Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay Muran ku saabsan Lambarka  Dalka ku-galka (252) ee Somaliland iyo Soomaaliya wada isticmaalaan, kaasi oo Somaliland doonayso inay ka guurto oo ay samaysato Dal ku-gal gaar u ah. Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa…

Read More

Puntland Oo Jaho-wareer Ka Qaadday Ciidammada Qaranka Ee Kala Wareegay Tuke-raq, Soona Rartay Ciidankii Ka Hor-taagnaa Al-shabaabta Buuralayda Galgala

Hargaysa 18. January 2018 (SDN/QJ):-Waxa illaa hadda Xaalad Colaadeed ka taagan tahay Koonfurta Gobolka Sool ee Somaliland, gaar ahaan deegaannada ku dhow Magaalada Tuke-raq oo Ciidammada Qaranka Somaliland ay dhawaan ka saareen Maleeshiyaad u joogay Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaasi oo muddo dheer si Sharci-darro ah ugu amar ku taaglaynayey Dadka deggan. Ciidammada Qaranka Somaliland…

Read More

Dhamaan Asxaabtani Waxay Hambalyo u Dirayaan Meherka Khaalid Axmed Maxamed Diiriye iyo Ooridiisa Hibo Cabdi Ciise

Hambalyo Meher Wacan Aabo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye “Nac Nac”,C/raxmaan Maxamed Diiriye ,Maxamud Maxamed Diiriye Xasan Maxamed Diiriye, C/rashiid Maxamud Diiriye Mawliid Maxamed Diiriye Aamina Maxamed Diiriye Kinsi Maxamed Diiriye Nimco Maxamed Diiriye Iido Maxamed Diiriye Saynaba Maxamed Diiriye,Hooyo Faadumo Jirde Nuur Dhamaan reer Maxamed diiriye Waxay Hambalyo bogaadin u dirayaan Khaalid Axmed Maxamed Diiriye…

Read More

Dawladda Itoobiya Oo Xabsiga Ka Siideysay Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalkaasi

Addis Ababa 18. January 2018 (SDN/QJ):-Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga ka siidaysay hoggaamiyihii mucaaradka dalkaas Merera Gudina oo xidhnaa muddo ka badan Hal sano. Saraakiisha xabsiyada Itoobiya ayaa qoyska Mereru u sheegay in xabsiga laga siidaayay Arbacadii Shalay, wuxuuna ku eedeysnaa in uu xidhiidh la leeyahay kooxo argagixiso ah. Maalintii isniinta ayay dowladda Itoobiya shaacisay in ay…

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegne oo Qodobo Saamayn leh kaga Wada Hadlay Kulan ay Galabta Addis ababa ku Yeesheen!!!

Addis Ababa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Addis-ababa ee Bole International Airport, waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabiley halkaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu.   Iyadoo weftiga madaxweynaha loo gudbiyey qolka nasashada ee madaarka Bole International…

Read More

Xaalada Tukaraq Oo Cakiran,Labada Ciidan ee Somaliland Iyo Kuwa Punt land oo Kaabiga isu Saaran & Shacabkii Ku Noolaa Oo Ka Qaxay Deeganada Qaar DAAWO

Tuko-raq 16. January 2018 (SDN/QJ):-Telefishanka Bulsho ayaa baahiyey War ku Saabsan in Deegaanka Degmadda Tuko-raq ee Gobolka Sool uu ka Socdo dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhexeeya Ciidamadda Somaliland iyo Kuwa Maamul Goboleedka Punt land oo Masaafo kooban isu jira. Telefishanka oo Khadka Telefoonka ku waraystay Siyaasi lagu Magacaabo Mursal Boocame ayuu ku sheegay in…

Read More

Somaliland oo Fure Cusub oo Isgaadhsiineed Kana Madax Bannaan Somalia u Raadinaysa Shacabkeeda DAAWO

Hargaysa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli C.laahi Suufi  ayaa sheegay inuu raadinayo fure ka duwan midka Somaliya ee 252 kaas oo ah furaha Dalka Somalia. Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale inuu raadinayo Simcad u gooni ah Soomaaliland iyo fure u gaar ah oo wadanka Africa ah uu isticmaali karo kaas oo…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Puntland Oo Ka Hadlay Xiisada Ka Taagan Dhulka u Dhexeeya Puntland Iyo Somaliland DAAWO

Garowe 16. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Punt land oo Kulan saxaafadeed ku qabtay Magaaladda Garowe ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Somalia in 65% ay ka timaado dhanka Somaliland waxa uu Wasiirkani sheegay in Mushkilada ka haysta Buuraha galgala iyo Alshabaab 85% ay Somaliland qayb ka tahay. Waxa uu Wasiir Qarjab ku dooday in…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland & Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya oo Kulan Dhinacyo badan leh ka Yeeshay Xaalada Guud ee Mandaqada & Xidhiidhka Labada dal SAWIRO/DAAWO

Addis Ababa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo dhaweeyey madaarka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya maanta, halkaas oo ay uga bilaabantay booqasho rasmi ah oo uu muddo laba maalmood ah ku joogi doono. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo warbaahinta kula hadlay madaarka diyaaradaha waxa uu sheegay…

Read More

“Madaxwaynuhu Sidii Xilka Ugu Sii Ordayay Iyo Gaabiska Ka Muuqda Shaqadiisu Isma Laha” Siyaasi Aadan Dhoolayare DAAWO

Hargaysa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Beeraha  Xukumadii rayaale ahna sarkaal ka tirsan Xisbiga Waddani ayaa waxaa uu waraysi gaara siiyay Tv-ga kalsan waxaanu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin gaabiska ka muuqda xukumadda Madaxwayne Muuse Biixi waxaana waraysigan qaaday Wariye Cabdiraxmaan Carab Daa,uud Raage  oo ah soo saaraha barnaamijka kulanka…

Read More

Suldaan Bile Rafle Guuleed oo Iska Difaacay in Mudadii uu Xukumayay Gobolada Waqooyi inuu Gubay Taariikh Ma Guuraan ah oo ay Ummada Somaliland leedahay DAAWO

Hargaysa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Suldaan Bile Rafle Guuleed ayaa Booqasho Bil iyo dheeraad ah waxa uu ku Joogay Somaliland isagoo ka qayb galay Caleemo saarkii iyo Dhaarintii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Bile Rafle Guuleed ayaa Mudadii uu Somaliland ku Sugnaa Waxaa si is daba joog ah loogu sameeyay Hadhiimo sharafeedyo lagu muunaynayo Waxqabadkii uu…

Read More

I Have a Dream: Halgamaagii Madoobaa ee Maraykanka ee Martin Luther King oo Shalay Dhalashadiisa Looga Dabaal Degay Dalka Maraykanka & Khudbadii Mahadhada reebtay ee ‘’Waxaan leeyahay Riyo’’ (DHAGAYSO IYADOO TURJUMAN) kana DAAWO Qurbejoog

Washington 16. January 2018 (SDN/QJ):-Dalkan Mareykanka waxaa Shalay looga dabbaal degayaa dhalashada halgamaagii dadka Madow ee Mareykanka Martin Luther King. Luther King ayaa dalkan Mareykanka lagu xusuustaa hal-gankiisii soo shaac baxay sanadkii 1955tii illaa iyo lixdamaadkii ee uu ku doonayay xuquuqda dadka madow, iyo khudbadiisii caan baxday ee ( Waan Riyoonayaa, ama I have a…

Read More

Qaar ka Mid ah Saxaafadda Madaxa Bannaan ee Ka Hawlgasha Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo ka Gilgishay Hadal ka soo Yeedhay Wasiirka Warfaafinta DAAWO

Hargaysa 16. January 2018 (SDN/QJ):-Wasiirka Waraafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa sheegay inay wasaarad ahaan u qorshaysan tahay inay warbaahinta u dhigaan soohdin adag oo aan laga tallaabi karin, iyadoo aan waxba loo dhimaynin madax-bannaanida saxaafadda dalka. Wasiirku wuxuu caddeeyay in wasaaradiisu  wacyigelin badan samayn doonto si meesha looga…

Read More