Webmaster

Dawladda Turkiga oo Xidhxidhay Maanta Dad Kun Qof ka badan oo lagu Tuhmay Inqilaab Fashilmay

Ankara/Istanbul 26. April 2017 (SDN/QJ):- Booliiska Waddanka Turkiga, ayaa Xidhxidhay illaa Kun (1,000) Qof oo looga shakisan yahay in ay qayb ka ahaayeen dhaqdhaqaaq lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay ee sannadkii 2016-kii. 2,200 (Laba Kun iyo Laba Boqol) oo Ruux oo kale, ayaa Ciidanka Ammaanku baadigoobayaa, iyada oo ay dawladdu bartilmaameedsanayso Dad…

Read More

Wasiir Xukuumadda Siilaanyo Ka Tirsan Oo Qiray In Shaqaalaha Dawlada Awal Loo Qaadan jiray Qaab Qabyaaladeed, Balse Arintaasi Laga Gudbay,Weerarna Ku Qaaday Masuuliyiinta Xukuumadda Kaga Jira Gabiley

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa ka marag kacay in Xukuumadda uu ka tirsan yahay ay qaab qaldan u mari jirtay Nidaamka shaqaalaysiinta,waxaanu kashifay in Arintaasi afku ka xaday balse uu qorshahaasi go’aan ka gaadhay Madaxweynaha Somaliland oo uu soo wado,Waxaana uu sheegay inaanay dib u dhacayn in la…

Read More

Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Dalladda Dhallinyarada Aqoonyahanka GURMAD ee Gobollada Galbeedka Somaliland SAWIRO

Boorama 26. April 2017 (SDN/QJ):-Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey dalladda dhallinyarada GURMAD oo ay ku midoobeen 10 urur oo ah aqoonyahanka gobollada galbeedka Somaliland, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray xisbiga. Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey soo dhawaynta dalladda GURMAD oo lagu qabtay hutel Rays ee magaalada Boorama maanta,…

Read More

“Yurub Geenyo, Hodan Abdirahmaan Iyo Nimcaan Hilaac Waa Dad Tacab Faneed Nagu Kala Jiro-….. IGAMA SUURAWDO IN AAN SUUGAAN KU DURO” Abwaan Laab-Saalax

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul(Laab-saalax), ayaa sheegay inaanay ka suuroobayn inuu ku duro Suugaan Fanaaniinta Yurub Geenyo, Hodan Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan iyo Nimcaan –Hilaac, isla markaana ay ka mudan yihiin Xuro iyo tixgelin. Gudoomiyaha Kooxda Fanaaniinta Xidigaha Geeska waxa kale oo uu sigaar ah ugu sharaxey in heesaha…

Read More

Gudoomiye Muuse Biixi oo Weerar Afka ah Ku qaaday Gudoomiye Cirro Iyo Hogaamiye Xirsi Booqashadii ay Ugu Tageen Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe DAAWO

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka fal Celiyey Kormeer ay Shalay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro Iyo Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Ku Booqdeen Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Xaalad Caafimaad u Yaala Cisbitaalka Guud…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo Turkiga u Tegay Dhamaystirka Heshiisyo Rahmanaa oo u dhexeeya Somalia Iyo Turkiga & Jawaabta Yuusuf Garaad DAAWO

Muqdisho 26. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia Maxamed C.laahi Farmaajo Iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Socdaal ugu Kicitimiy Dalka Turkiga Kadib Markii uu Marti qaad ka Helay Dhigiisa Dalkaasi Rajab Dayib Orduqaan. https://www.youtube.com/watch?v=UswUTeAdHOc

Read More

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo Sheegay in Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon Lagu Helay Dunuub ka Dhan ah Gooni Isu taaga Somaliland DAAWO

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa Sheegay in Garsoorka Somaliland uu Ku helay Dhamaanba Danbiyadii lagu Soo eedeeyay Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon Isla markaana lagu Helay Dunuub ka Dhan ah Gooni Isu taaga Qaranimadda Somaliland. https://www.youtube.com/watch?v=0YEe3_D1F-Y

Read More

”Dadka Madaxweynaha la Shaqeeya Waxaan Leeyahay Ha Guul daraynina,Qarankana Ha Guul Daraynini” Hogaamiye Xirsi DAAWO

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali, ayaa Wasiirada xukuumadda ku dhaliilay dhibaatooyinka dalka ka taagan, isaga oo ku eedeeyay in shacabka Somaliland wakhtigan adag ay garab ka waayeen xukuumadoodii. Waxa uu Xirsi Xaaji Cali arimahan kaga hadlay cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa kadib markii ay halkaas ku booqdeen…

Read More

Kulan-weyne ay Yeesheen Madaxda WADDANI oo Lagu Gorfeeyey Siddii Gurmad Looggu Fidin Lahaa Dadka Abaarahu Saameeyeen+ Looga Qeyb-qaadan Lahaa Wacyi-gelinta Qaadashada Kaadhka Doorashada+SAWIRO

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Kulan-weyne ay iskugu yimaadeen madaxda xisbiga WADDANI oo lagu gorfeynaayey xaaladda dalka, gaar ahaan siddii gurmad deg-dag ah looggu fidin lahaa dadka abaarahu saameeyeen iyo dadka ay haleeleen xanuunada ka dilaacay abaaraha ee deegaanada Buuhoodle iyo weli ba sida oo kale siddii xisbiga WADDANI uu uga qeyb-qaadan lahaa wacyi-gelinta dadka ee…

Read More

Dhakaatiir Ka Socda Imaaraadka Carabta Iyo Kuwait Oo Dalka Soo Gaadhay Iyo Xukuumadda Somaliland Si Weyn U Soo Dhawaysay SAWIRO

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Waxa maanta dalka soo gaadhay dhakhaatiir ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo u yimid Somaliland inay ka fuliyaan hawlo caafimaad oo bilaash ah, iyagoo joogi doona dalka muddo lix-maalmood ah. Weftigaasi oo ay subaxnimadii hore ku soo dhaweeyeen Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Md Maxamuud Xaashi…

Read More

Madaxweyne Farmaajo oo ka Noqday Mawqifkii adkaa ee uu Ka Taagnaa Saldhiga Mileteri ee Imaaraadku ka Samaysanayo Somaliland

Muqdisho 26. April 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dabciyay mawqifkii uu ka taagnaa saldhiga milatari ee ay dawladda Somaliland Berbera ka siisay Imaaraadka Carabta. Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Mr. Farmaajo uu hakiyay olalayaal diblomaasiyadeed oo uu kaga soo horjeeday saldhigaas Berbera. Warku wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu lahaa…

Read More

“Way Mahadsan-tahay Dawladda Imaaraadka Carabtu” Safiir Baashe Cawil Cumar

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Isu-Imaaraadka Carabta ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ee ku midoobay Imaaraat Al-Khayr, uga mahadnaqay deeqaha gargaarka ah ee ay marwalba la barbartaahan yihiin shacbiga Somaliland ee xaalada abaartu saamaysay, haday noqoto abaartii galbeedka iyo ta bariga ee wakhtigan taagan. Iyadoo Imaaraadku ay marwalba ka war hayaan codsiyada…

Read More

Akhriso Mooshinka: Golaha Shacabka Oo Heshiiska Ciidamada Ku Timaamay Firkad Shishiiye, Kuna Taliyay 7 Qodob

Muqdisho 26. April 2017 (SDN/QJ):-Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo dood ka yeeshay mooshin ay soo gudbiyeen guddiga difaaca iyo xildhibaanno kale oo ka tirsan golaha ayaa iska diiday heshiiska ciidamada ee dhowaan la gaaray, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay mid shisheeye wato, mashruuc lagu qeybinayo awoodda iyo talada ciidamada qaranka,…

Read More

Ra’isul Wasaare Kheyre oo looga yeeray Villa Hargeysa iyo Su’aalo adag oo la weydiin doono

Muqdisho 26. April 2017 (SDN/QJ):-Gudoonka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre si su’aalo adag looga weydiiyo qorshaha dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo muran badan dhaliyay. Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa caawa loogu yeeray in uu kasoo qeyb galo kulan su’aalo lagu weediinayo oo ka dhacaya xarunta Villa…

Read More

Cabdiraxmaa- Cirro Oo Si Adag Ugu Dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo Sicir-Bararka Iyo Sharci-Jebinta DAAWO

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ku dhawaad laba bilood dalka dibeddiisa ku maqnaa, ayaa  si diirran loogu soo dhaweeyey Hargeysa, waxaanu ka warramay waxyaabaha u soo qabsoomay, isaga oo Xukuumadda ugu baaqay inay gurmad…

Read More

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug oo si deg deg ah loogu yeeray

Cadaado 26. April 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa si deg deg ah ugu yeeray in magaalada Cadaado ay kusoo gaaraan Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Xildhibaan Mahad Sheekh Cali Cibaar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan waxbo iska bedelin jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxa uuna tilmaamay in doorashada ay…

Read More

Dad Badan ayaa Aaminsan Sababta ay Xukuumadu Gacanta Kuugu Hayso inay La Xidhiidho In Hadii aad Bannaanka Istaagto aad Dib u Soo Celiso Dubbe Iyo Doolaal Maxaa Ka Jira Arrintaas? C.laahi Geel Jire DAAWO

Hargaysa 24. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii Hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta, Iyo Kalluumaysiga C.laahi Ismaaciil Geel Jire ayaa Xogwaran uu Siiyey Barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee ka baxa Telefishanka Universal ayuu ku Faahfaahiyey arrimo badan oo Somaliland ka Taagan. C.laahi Geel Jire Tan iyo Markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka qaaday Xilka Wasaaradda Kalluumaysiga looma dhiibin Jago Kale…

Read More

“Ciidamada Imaaraadku Tababarray Kama Amar Qaataan Dowladda, Gaashaan & Danab-na Mareykanka Ayay Hoos Tagaan..” Xog uu Wasiir Kashifay DAAWO

Muqdisho 24. April 2017 (SDN/QJ):-Wasiikii hore ee Amniga dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta aanay ka amar qaadan taliska Ciidanka Milateriga. Wuxuu kaloo intaas ku daray in ciidamada Imaaradka ay ku lug yeesheen isku dhacyo dhex maray Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida, wuxuuna caddeeyay inaysan weli daacad u ahayn…

Read More

Wiil Somali Maraykan ah oo u Dalacay Derajada Ciidanka Booliska oo uu Ka Gaadhay Saajin,Maxay ahayd Shaqadiisii Hore,Hadase Muxuu Qabanayaa? DAAWO

Minneapolis 24. April 2017 (SDN/QJ):- Cabdi Wahaab Cali Waa Wiilkii Labaad ee Somali ah ee Ka Mid Noqda Ciidanka Booliska Minneapolis Waxa uu Wiilkani u dalacay Derajada Saajin amase Sarkaal Sare . Hadaba Waxaa La is weydiinayaa Dalacsiinta Cabdiwahaab Cali Maxay Ka Bedelaysaa Shaqadiisii Hore. https://www.youtube.com/watch?v=cq8N8sL9cgk

Read More