Webmaster

Somaliland Qaran Bislaaday iyo Talaabada La Gudboon Murashixiinta waaya Hogaaminta waddanka ‘’ Natiijadan Diyaarka ah Dadkaygoow Ku Qanac’’ FAALADA SHABAKADA QURBEJOOG

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Doorasho aad u wanaagsan ayaa ka dhacday Geyiga Somaliland Shalay oo Isniin ahayd kuna beegnayd 13-ka bishan November iyadoo ay ahayd Doorashadii Sadexaad ee Madaxtooyo ee dalka ka dhacda. Doorashadan Waxaa ku loolamayay Murashixiinta Jagooyinka Madaxweyne ee Xisbiyadda Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Ku Xigeenkiisa Axmed Cabdi Muuse Ebyan, Kulmiye Mudane Muuse…

Read More

Drs Edna Aadan oo Fariin Waxtar leh Leh u Jeedisay Shacabka Somaliland Kuna Boorisay in Sidii Quruxda Badnayd ee Doorashaddii Shalay u Qabsoontay laga Taxadiro Wixii Nusqaan ku Keeni kara DAAWO

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Drs Edna Aadan Ismaaciil Wakiilka gaarka ah ee Wada hadaladda Somaliland Iyo Somalia oo Maanta Saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in laga feejignaado Wax kasta oo wax u dhimi kara Doorashadii quruxda badnayd ee geyiga Somaliland shalay ka qabsoontay. https://www.youtube.com/watch?v=k01no9fvUHY

Read More

”Somaliland Waxay Samaysay Bisayl Iyo Qaangaadhnimo Dhanka Dimuquraadiyadda ah Maadaama ay ka Dhacday Doorashadii Madaxtooyadda” Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Dawlada Federaalka Somalia DAAWO

Muqdisho 14 November  2017 (SDN/QJ):-Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa Waxay ka Hadleen Doorashadii Madaxtooyadda ee Geyiga Somaliland ka Dhacday Maalintii Shalay ee Taariikhdu ahayd 13-ka Bisha November Waxayna Sheegeen in Somaliland ay ka Muuqato Bisayl iyo Qaangaadhnimo Ku dayasho Mudan.

Read More

Saxaafadda Dunidda oo Doorashadda Somaliland Ku Tilmaamay Tii ugu Qiimaha badnayd ee Afrika ka dhacda AKHRI

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Wakaladdaha Warbaahinta ee dunida, ayaa si weyn u qaada dhigay oo wax uga qoray Doorashadda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka ka qabsoontay, waxaanay Saxaafadda Caalamku doorashaddan ku tilmaameen tii ugu casrisaneyd isla markaana ugu dumquraadi saneynd ee Bariga Afrika ka dhacda. Doorashaddii Madaxweynimadda ee Somaliland kuna tartamayaan Saddexda Xisbi ee Kulmiye, UCID…

Read More

Goobjoogayaasha Caalamiga ah ee Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo Ku Hambalyeeyay Dadweynaha Somaliland Doorashadii ku Dhacday sida Nabadgelyo ah, Meelaha Qaar oo Loo Diiday inay Booqdaan Iyo Dad aan Da’dii Codaynta Gaadhin oo Codeeyay AKHRI

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Warmurtiyeed ay soo Saareen Goob Joogayaasha Caalamiga ah ee dusha kala socday Codbixintii Doorashadii Madaxtooyadda ee Shalay ka qabsoontay Guud ahaan Somaliland ayaa Ku Hambalyeeyay Dadweynaha Somaliland inay si nabadgalyo ah ugu soo dhamaatay doorashadu. Warsaxaafadeedkan oo Nuqul ka mid ahi na soo Gaadhay ayaa u dhignaa Sidan:- ”Iyada oo laga dab…

Read More

Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargaysa oo Laanta Denbi Baadhista ee Boolisku u Yeedhay Kadib Markii Lagu eedeeyay inuu Faragelin ku Sameeyay Goobo Codbixineed Maalintii Shalay!!

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada dambi baadhista ee C.I.D-du u yeedheen maayirka magaalada Hargeysa. Maayir Cabdiraxmaan Soltelco ayaa la sheegayaa in lagu haysto faro gelin uu shalay isku deyey inuu ku sameeyo goob doorasho ku taala xaafadda Cabaaye ee magaalada Hargeysa. Maayirka ayaa la sheegay in uu watay ciidamo…

Read More

“Doorashooyinka Somaliland ka dhacay way ka Fiicanyiin Xataa Kuwa Reer Galbeedka Qaar..” Soomaaliya DAAWO

Muqdisho 14 November  2017 (SDN/QJ):-Shirkii Wasiiradda Soomaaliya, ayaa boggaadiyay qaabkii ay u qabsoontay doorashooyinka Somaliland ee shalay loo dareeray. Islamarkaanna waxay sheegeen in ka fiican yihiin dhinac dimuquraadiyada dalalka reer galbeedka qaarkood. Sidaa waxa lagu sheegay kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiiradda warbixin ka dhagaystay guddi heer wasiir ah oo daraasad ku soo sameeyey dardargelinta…

Read More

International Media and the Election of the Presidential Palace in Somaliland 13 November Read

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Five things you need to know about Somaliland’s vote  After a seven-year wait, Somaliland will go to the polls to elect a new leader. Here are five things you need to know http://www.aljazeera.com/news/2017/11/somaliland-vote-171112093215748.html   The man who buried Somaliland’s dead It was June 2, 1988, and Hargeisa was under attack. The rat-a-tat-tat…

Read More

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani oo Kulan la qaatay Safiiro ka Socda Midowga Yurub+ Xadhig Iyo Tacadiyo Shalay iyo Maanta lagula Kacay Saraakiil sar sare oo ka Tirsan Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro iyo Saraakiil Sare oo ka Tirsan Xisbiga Waddani ayaa Maanta Waxay Kulan la qaateen Safiiro ka Socda Dalalka Midowga Yurub oo Booqasho ku Jooga Caasimadda dalka ee Hargaysa.

Read More

Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Cadeeyay in Guud ahaan Sanaaduuqdii Codbixintii Doorashaddii Madaxtooyadda ee Shalay ay Gaadheen Xarumahooda Goboladda,Fariin ay u Direen Warbaahinta Iyo Shacabka Somaliland DAAWO

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Maanta Kulan Warbaahineed ku qabtay Xaruntooda Caasimadda Dalka ee Hargaysa ayaa Daboolka ka qaaday in Guud ahaan Sanaaduuqdii Codbixintii Doorashadda Madaxtooyada ee Shalay ay Gaadheen Xarumaha Gobolada ee Komiishanka Doorashooyinka Waxayna fariin u direen Shacabka Somaliland.

Read More

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo Kulan Ballaadhan la qaatay safiirro iyo Diblomaasiyiin Beesha Caalamka ah SAWIRO

Hargaysa 14 November  2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay xubno safirro iyo diblomaasiyiin isugu jira oo ka socda Midowga reer Yurub iyo waddamo kale oo qaaradda Yurub ku yaalla, kuwaas oo Somaliland u yimi doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka Isniintii shalay. Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo ay…

Read More

Maraykanka oo Shaaciyey inuu 40 Dagaalyahan oo Al-Shabaab & ISIS ka Tirsan ku Dilay Soomaaliya

Muqdisho 14 November  2017 (SDN/QJ):-Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in illaa shan weerar oo Cirka ah oo ay  Diyaaradeheeda dagaalku ka geysateen gudaha dalka Soomaaliya ay ku dishay 40 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Ururrada Al-shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya ka dagaallama. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo weerarro is daba-joog ah ka geystay Saldhigo Al-Shabaab iyo Daacish ku…

Read More

Dawladda Jabuuti Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Somaliland DAAWO

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Dawladda Jabuuti ayaa ka hadashay Doorashada Madaxtooyada ee Shacabka Somaliland Maanta u dareereen. Safiirka Dawladda Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo la hadlay Telefiishanka Star ayaa sheegay inuu kormeeray Goobaha Cod-bixintu ka dhacday ee Magaalada Hargeysa, isagoo amaanay nidaamka Dadku Codadkooda u dhiibteen, “Anigoo ah Safiirka Dawladda Jabuuti u matalaya…

Read More

Tirinta Codadka la dhiibtay ee doorashada Madaxtooyada Somaliland oo Ka Socota Goobaha Maanta laga Codeeyey

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Tirinta Codadkii la dhiibtay ee doorashada Madaxtooyada Somaliland oo maanta la dhiibtay, ayaa la bilaabay fiidkii caawa, iyada oo ay jireen goobo aan dhammaan oo Dadka doonaya inay Codeeyaan Safafka ku jireen wakhtigii loogu talo-galay inay xidhmaan goobaha Codbixintu oo ahayd lixdii Fiidnimo ee caawa, haddana inta badan goobaha laga codeeyey way…

Read More

Drs Edna Aadan Ismaaciil oo Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland Ku Sifaysay Dhoola Tus ay Somaliland Dunnida Dimuquraadiga ah Tustay DAAWO

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Wakiilka Gaarka ah ee Wada hadaladda u Dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Somalia Drs Edna Aadan Ismaaciil ayaa si Xeel dheer uga warbixisay macnaha ay doorashaddani u samaynayo Somaliland. Drs Edna Aadan oo Maanta ka hadlaysay Kadib Markii ay Codkeeda ka dhiibatay Goob ku taala Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Studium.

Read More

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo Daboolka ka qaaday inay Soo Xidhantay Goobihii Codbixinta Doorashadda Madaxtooyadda DAAWO

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Waxaa Guud ahaan Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka laga soo Gabo gabeeyay Codbixintii Doorashadda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland. Xubnaha Komiishanka Doorashooyin Qaranka ee Ku Sugan Gobolada Somaliland oo aanu la Xidhiidhnay ayaa sheegay inay soo idlaatay Codbixintii Isla markaana ay hada ku guda jiraan sidii ay Sanaaduuqada Codbixintu u soo gaadhi lahaayeen Xarumaha Komiishanka…

Read More

Afhayeenka Xisbiga Waddani oo Cadeeyay in Saraakiil Sar Sare oo Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani la Xidhay & Cida Xidhay DAAWO

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa shaaca ka qaaday in Saraakiil ka tirsan Xisbiga Kulmiye lagu kala xidhay magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley oo doorasho ahaan gobolka Maroodi-jeex wada ah, kuwaas oo uu Sheegay inay si badheedh ah u Weerareen Saraakiil ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo kaashanaya ama…

Read More

Gudoomiye Cirro oo Dareen Kalsamaan ah ku Qaabilay Habsami u Socodka Doorashadda Madaxtooyadda ee Somaliland Maanta ka Socota DAAWO

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo Maanta Warbaahinta kula hadlayay Hoolka hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo uu ka dhiibtay Codkiisa Doorashadda Madaxtooyadda ayaa ka Falceliyey Sida uu dareenkiisu yahay Maadama ay Shacabka Somaliland maanta Safaf ugu Jiraan kala saarida Murashixiinta Jagooyinka Madaxtinimo ee Sadexda…

Read More

Muxuu Murashax Muuse Biixi ka Yidhi Codbixinta Doorashadda Madaxtooyadda ee Maanta ka Socota Guud ahaan Goboladda Iyo Degmooyinka Somaliland? DAAWO

Hargaysa 13 November  2017 (SDN/QJ):-Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta mar uu Codkiisa ka dhiibanayay Caasimadda Hargaysa waxa uu ka hadlay Doorashadda Madaxtooyadda ee Maanta Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ka Socota.

Read More