Prof.Cali Khaliif oo ka Xog-warramay Shirar uu la Qaatay Muuse Biixi iyo Waxyaabo ay ka Wadahadleen
Hargaysa 09. December 2017 (SDN/QJ):-Prof. Cali Khaliiif Galaydh, ayaa ka xog-waramay kulan uu laba jeer oo kala duwan la qaatay Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. “Awood-qeybsigu ha noqdo xukuumadda amma Baarlamaanka amma Golaha Guurtida amma civil service-ka (shaqaalaha dawladda), caddaaladda iyo ciidammada, annagu waxaan qabnaa intuba inay noqoto wax caddaalad…
