Soomaaliya oo 48 Sano ka Dib laga Bilaabay Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda & Tirada Shahaado la Siiyey
Muqdisho 03. December 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashada Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, ayaa Axaddii Maanta bilaabay diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed markii ugu horraysay muddo 48 sano ah, waxaanay ka dambaysay markii sannadkii hore uu Baarlamaanku ansixiyey Sharciga furashada Xibsiyada. Munaasibad Maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay Shahaadooyin Aqoonsi ku guddoonsiiyeen Guddiga…
