Madaxweynaha Soomalaiya oo qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika
Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku yimid Dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda,…
