Webmaster

Komiishanka Doorashooyinka oo Shaaciyey Dhamaadkii Qaadashada Kaadhka Codbixinta Iyo Isu Diyaarinta Qabsoomida Doorashada oo ay ka Hadhay Mudo Lixdan Cisho ah SAWIRO/DAAWO

Hargaysa 13. September 2017 (SDN/QJ):-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo maanta ku qabtay Xaflad ay Ku Shaacinayeen Dhamaadka Hawlgalkii qaadashada Kaadhka Codbixiyaha taas oo lagu qabtay Huteel Ambassador ee Magaaladda Hargaysa. Waxaa Kulankaasi ka qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiiladda, Taliyeyaasha Ciidamada,Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, Gudoomiye ku xigeeynka 1aad ee xisbiga Kulmiye, Guddoomiye…

Read More

Xisbiga WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah Ku Qaabilay Siyaasiyiin iyo Wax-garad Ka Soo Jeeda Mid Ka Mid ah Beelaha Gobolka Saaxil oo Ka Soo Guuray  Xisbiga KULMIYE SAWIRO

Hargaysa 13. September 2017 (SDN/QJ):-Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaan Xisbiga WADDANI uu soo dhaweyn ugu sameynaayey Siyaasiyiin, Wax-garad, Aqoonyahan, Haween, Dhallinyaro iyo Madax-dhaqameed tira badan oo ka soo jeeda beelaha Reer Caddaawe ee Ciisa Muuse oo ka soo diga-rogtay Xisbiga KULMIYE isla mar ahaantaana ku soo biiray…

Read More

Magacyada Rag Ka Mid Ah Ganacsatada QAADKA Oo Intooda Badan U Dhasheen Somaliland, Oo Dad Gadooday Oo Qoomiyadda Oromada Ahi Ku Laayeen Magaalada Hawaday Shalay

Hargaysa 13. September 2017 (SDN/QJ):-Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay in ka badan 600 oo qof oo kalena waa ay ku barakaceen rabshado cusub oo ka billowday Bariga Itoobiya. Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dhowr qof ay ku dhinteen rabsahdo shalay ka dhacay magaalooyinka ku yaalla Bariga Itoobiya. Tiro kale oo dad…

Read More

“Xisbiyada Uu Loollanku Ka Dhexeeyaa Ha Ku Kalsoonaadaan Dastuurka Iyo Komishanka Qaranka..” Madaxweyne Axmed Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo ayaa Maanta khudbad ka jeediyey Xaflad lagu Daah-furay Barmaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga Kulmiye taasi oo lagu qabtay Hargeysa. Munaasibaddan oo sidoo kale ay ka qayb-galeen Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, taageerayaal iyo Marti-sharaf kale, ayaa waxa Khudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland, waxaanu khudbaddiisa ku bilaabay…

Read More

Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Kulan la Qaatay 7-da Xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka Qaranku Ka Kooban Yahay & Nuxurka Qodobada laga Wada Hadlay

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabile 7-da Xubnood ee uu ka kooban yahay  Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Komishanku waxay Madaxweynaha warbixin faah-faahsan ka siiyeen habsami u socodka hawlihii diwaan-gelinta, kaadh-qaadashada iyo u diyaar garowga qabsoomida Doorashada Madaxtooyada 13.11.2017. Komishsnku waxay Madaxweynaha si mug iyo miisanba leh ugaga…

Read More

‘’Waxaan Rumaysnahay inaan Gobolka Gebilay Iyo Awdal Codad badan ka helayo Martina aanan ku ahayn’’ Murashaxa Madaxweyne ee Waddani DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada madaxweyne ee Xisbigaasi Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro oo ka hadlayay Madal uu Xisbigiisu ku soo dhawaynayay Sagaal Xidhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka Sallaxley ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye Markii uu Gobolada galbeedka marayay uu yidhi Xisbiyada kale waa ku…

Read More

Murrashax Muuse Biixi oo Tilmaamay Hiigsiga iyo Hannaanka uu Doonayo inuu Dalka ku Hoggaamiyo DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faahfaahsan uga hadlay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigu ku galayo doorashada Madaxtooyada iyo qorshihiisa uu diirada ku saari doono arrimaha horumarka iyo ammaanka dalka. Murrashax Muuse Biixi waxa uu sharraxay qorshihiisa siyaasadeed ee uu ku waajihi doono arrimaha ammaanka…

Read More

“Idin Odhan Mayno Sida Qolada Kulmiye Guusha Soo Raaca Ee Waxaan Idin Leenahay Guusha Nala Dhaliya,Faysalna u Codeeya anagana Noo Badiya” Hogaamiyaha Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Xaflad soo dhawayn ah u sameeyay Tiro ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Sallaxley oo cadeeyay inay ka baxeen Xisbiga Kulmiye Isla markaana ku biireen Xisbiga Waddani. Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X.Xasan ayaa Khudbad dhinacyo badan leh halkaas ka Jeediyey ‘’Waxaan leeyhay Xildhibaanada…

Read More

Somaliland oo Lagu Daray Dalalka Doorashooyinku ka Dhacayaan Sannadkan

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Sannadkan 2017 ee sii dhammaanaya dalal badan oo Afrika ah, ayaa doorashooyin ka dhacayaan, dalal kalena doorashooyinkii ka dhici lahaa dib ayay u dhaceen. Barnaamij lagaga hadlayay doorashooyinka Afrika ee sanadkan dhacaya iyo kuwa dib loo riixay oo ay baahisay Idaacada BBC-da barnaamijkeeda Focus On Africa, horaantii bishan ayaa Somaliland…

Read More

Xisbiga KULMIYE oo si Rasmi ah u Daah-furay Barmaamij-siyaasadeedka Cusub ee uu Doorashada ku Galayo SAWIRO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbul-xaakimka haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay barmaamij-siyaasadeedka cusub ee uu ku galayo doorashada  Madaxtooyada ee u qorshaysan inay dalka ka qabsoonto 13-ka bisha November ee sanandkan 2017, si uu mar kale ugu guulaysto maamulka talada waddanka. Daah-furka barmaamij-siyaasadeedkan cusub ee KULMIYE oo…

Read More

Xisbiga Waddani oo Kalsoonidii Kala Laabtay Akaademiyadda Nabadda Iyo Daladda SONSAF, Muxuu Yahay Qoonsimaadka Yimid? DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Waxa uu Kalsoonidii kala Laabtay Akaademiga Nabada iyo Horumarka iyo Dalada Ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf.   Xisbig Waddani ayaa labadan urur bulsheed ku dhaliilay inay ku dhex milmeen asxaabta siyaasada isla markaasna ay lumiyeen kaalintoodii dhex-dhexaadnimo, waxaanay komishanka u soo jeediyeen in…

Read More

‘’Dee Madaxweynuhu Hargaysa ayuu Joogaa oo Meel kale Tagi maayee Hadii aan Khaldamo oo aad I qaban weydo adigaa u Qoolan’’ Gudoomiye Muuse Biixi DAAWO

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qayb galay Madal ay Taageerada Xisbiga Kulmiye ku Muujinayeen deegaanada Haleeya,Maygaagta Iyo Baho dhamal oo Sheegay inay ku qanacsan Yihiin Hogaaminta Xisbiga Kulmiye.

Read More

Fanka Laxan Samaynta Iyo Saamaynta uu ku leeyahay Heesaha Soomaalida Iyo Xidig ka mid ah Kuwa Codadkooda Loogu Jecel yahay  DAAWO

Muqdisho 12. September 2017 (SDN/QJ):- Cabdi Kariin Faarax Qaareey Wuxuu Ku Magac Dheer yahay ‘’Cabdi Kariin Jiir’’ Waa Mulaxan aad u yaqaan Codadka Laxan ee Heesaha soomaaliga. Waxa uu Weliba dheer yahay Laxan sameeyeyaasha Heesaha Soomaalida Kuwiisu waxay leeyihiin hab dhaqac gaar ah oo baadisooc u ah Sida inay Heestu dhawr jeer is bedbedesho Laxankeedu….

Read More

Jaho-wareer Ka Taagan Dekedda Berbera Oo Maraakiib Xamuul Ahi 2 Bilood Taagan Yihiin, Cabashada Ganacsatada, Muhmalka DP World Iyo Sabaalaha Dawladda Somaliland!!

Berbera 12. September 2017 (SDN/QJ):- Ganacsatada Alaabooyinka kala soo dega Dekedda Berbera ayaa ka cabanaya in Shirkadda DP World ee Maamusha Dekeddu aanay sidii la rabay u wadin Shaqada Dekedda isla-markaana Alaabooyinka ay sidaan Maraakiibta laga dejin wakhtiga ugu Munaasibsan oo ku habsaamaan, taasina caqabad ku tahay Ganacsigooda. Ganacsatadan oo ay wehelinayaan Mukhallasiinta Shirkadaha Ganacsiga…

Read More

Hargaysa:Sarrifka Boqolka Dollar Oo Hal Maalin Gudaheed Kor Ugu Dhaafay Hal Milyan Oo Shilin & Jaha-wareerka Nololeed Ee Bulshada

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Qiimaha Sarrifka Dollarka ayaa halkii ugu sarreysay gaadhay Suuqyada Somaliland, taasi oo macnaheedu yahay in hoos u dhici ugu weynaana uu soo waajahay Shilinka Somaliland. Suuqyada Somaliland, ayaa Shalay Boqolka Dollar lagu sarrifayey Hal Milyan oo Shilinka Somaliland ah, halka marka Qofku uu Shilinka sito lagaga iibinayey Boqolka Dollarka Hal…

Read More

Saxariirkii ka qabsaday Soomaaliya, mucjisadii kaga dhacday Thailand, fursadihii uu ka helay Australia & Xildhibaan uu ka Noqday Somaliland!!

Sydney 12. September 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska caanka ah ee The Sydney Morning Herald oo ka soo baxa waddanka Australia, ayaa baahiyay in muwaadin u dhashay caasimadda Sydney uu ka mid yahay baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Warbixintan waxa wargeyskaasi ciwaan uga dhigay “Nin reer Sydney ah oo Xildhibaan ka ah Baarlamaanka Somaliland.” Waxa qormadan lagu sharraxay duruufihii…

Read More

Bannaan Bax Lagu Diiddan Yahay Shilin Soomaaliga, Laguna Dalbanayo Shilinka Somaliland Oo Ka Dhacay Bariga Sanaag

Ceel-bu’ 12. September 2017 (SDN/QJ):- Dadweynaha ku dhaqan Degmada Ceel-bu’ ee Bariga Gobolka Sanaag, ayaa iskugu soo baxay Mudaharaad ay kaga cabanayaan Lacagta Shilin Soomaaliga ee Dalka Soomaaliya oo halkaasi laga adeegsado. Dadweyne iskugu jira Waayeel, Dhallinyaro iyo Haween iskugu soo baxay Waddada Wadnaha ee Degmada Ceel-bu’ ayaa taayiro ku gubay halkaasi, iyagoo markii dambana…

Read More

Sawir Dunnida Danaysa Siyaasadda Somalia Ku Faafay oo uu Sameeyay Wiil Ku Nool Magaaladda Hargaysa & Fariinta uu Gudbinayo

Hargaysa 12. September 2017 (SDN/QJ):- Sawirkan waxa la sameeyay maalmihii ugu horreeyay ee ay taagnayd xiisaddii dhiibitaanka Cabdikariim Qalbi-dhagax oo ururka ONLF ka tirsan taasi oo soomaalida hadal badan ka dhex dhalisay. Sawirkan oo ah jaantus lagu muujiyay heerka shacbiyadda madaxweyne Farmaajo ee markaas oo hoos u dhacday ayaa waxa lagu daabacay warbaahinta bulshada iyo…

Read More

16 Guurada Duqayntii Caan baxday ee Daarihii Mataanaha ahaa ee New York,Xarunta Gaadhaandhiga Maraykanka,Anfariirkii ruxay Quluubta Shacabka Maraykanka & Muuqaaladii Mahadhada Reebay!! DAAWO

New York 12. September 2017 (SDN/QJ):-Shalay Waxay ku beegan tahay 16-guuradii ka soo wareegtay Weerarkii loo adeegsaday Diyaaradaha Rakaabka ee la soo afduubtay ee bishii Sept. 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daaraha Mataanaha ee Xarunta Hanacsiga Caalamiga (World Trade Center) oo ku yaalla magaalladda New York. Hadaynu yara milicsano Dhacdada Septembert. 11, ee sannadkii…

Read More

Madaxweynaha Kenya oo Ku Hanjabay in Hadii Raila Odinga Loo Doorto Madaxweyne inuu Mudo 3 Bilood gudahood ku Waayi doono Kursiga Hogaaminta dalkaasi!!

Nairobi 12. September 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in haddii Raila Odinga uu ku soo baxo doorashada ku celiska ah ee 17 bisha Oktoobar, in xisbigiisu oo aqlabiyadda baarlamaanka leh uu xilka ka xayuubin doono. Kenyatta oo khudbad u jeedinayay ergo taageerayaasha xisbiga ah ayaa af Sawaaxili ku yiri “Xitaa haddii la…

Read More