Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda, Ergay Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Laamaha Xukuumada
Hargaysa 22. February 2018 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:- Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markuu Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Markuu Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Markuu ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;…
