admin

Faahfaahinta qarax ka dhacay inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye

Muqdisho. 14 October, 2022. (QJ)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo maanta ka dhacay wadada dheer ee xidhiidhisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo qaraxa uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Sida wararku sheegayaan, qaraxa oo ahaa Miino wadada dhineceeda la galiyay ayaa qabsatay gaadhi Caasi ama Homey ah, waxaana saarnaa dad shacab ah ,…

Read More

Ujeedada safarka Raysalwasaaraha Soomaaliya ee Itoobiya

Muqdisho. 13 October, 2022. (QJ)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ka sagootiyay Xubno katirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya halka Wasiiro kale iyo la taliyeyaal ay qeyb ka yihiin safarkiisa. Agaasimaha Warfaafinta…

Read More

Booliska Somaliland oo qabtay haweenay tacadiyo u gaysatay gabadh yar gudaha Hargeysa

Hargeysa. 13 October, 2022. (QJ)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen haweenay laga dhex arkayay muuqaal Baraha Bulshada qabsaday oo ah gabadh yar oo ay garaacayso gudaha magaaalda Hargeysa. War kasoo baxay booliska ayaa lagu yidhi: “Ciidanka Booliska JSL ayaa hawl-gal ay saaka Saladii subax sameeyeen gaar ahaan Saldhiga New…

Read More

Muuse Biixi oo ballanta kaga baxay xubno ka mid ah Beesha Caalamka

Hargeysa. 12 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa u jaray balan uu la lahaa xubno ka mid ah Beesha Caalamka oo Hargeysa ku sugnaa, iyadoo amakaag ku noqotay xubnaha sababta ku kaliftay Muuse Biixi arintaa. Biixi ayaa safiirka dawladda Finland ee Soomaaliya oo Hargeysa joogay meermeeriyay isagoo markii danbana la ballamay saacadda ku beegnayd bixitaanka…

Read More

TV-ga CBA oo xayiraada laga qaaday kadib lacag “baad ah” oo laga shubtay

Hargeysa. 11 October, 2022. (QJ)- Telefishanka CBA ama Codka Bariga Afrika ayay maanta xayiraada ka qaaday xukuumadda Somaliland, kadib lacago baad ah oo ay ka qaateen wasiiro xukuumadda Muuse Biixi ku abtirsada. Maamulka CBA waxay warbaahinta u sheegeen in laga qaaday adduun dhan $10,000 iyagoo aan garanahayn sabab looga qaaday lacagtaas. Wasiiro ay ka mid…

Read More

Dadka deegaanka Halleeya oo si adag u diiday damac Muuse Biixi iyo wasiiradiisu wateen

Hargeysa. 11 October, 2022. (QJ)- Dadka deegaanka Halleeya ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa ayaa si adag ugasoo hor jeedsaday damaca xukuumadda Somaliland ee ah in dhulka deegaanka dawladdu la wareegto iyadoo la sheegay in Aag Warshadeed laga dhigayo. Dadka deegaanka oo uu suldaan u yahay suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Daauud Suldaan Maxamed, waxay sheegeen…

Read More

Masuuliyiin iyo taageerayaal ka xidhnaa mucaaradka Somaliland oo lasii daayay

Hargeysa. 10 October, 2022. (QJ)- Maanta waxa Xabsiga Wayn ee Hargeysa laga sii daayay masuuliyiin iyo taageerayaal ka xidhnaa xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, iyagoo muddo bilo ah xidhnaa xili aan la garanahayn wax sabab ah oo ay u xidhnaayeen. Dadka lasii daayay maanta waxa ku jira Xoghayaha Ciyaaraha Xisiga Waddani, Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee…

Read More

Muuse Biixi oo daahfuray mashruuc ma-dhalays ah oo Hargeysa ka oomantahay

Hargeysa. 10 October, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta daah furay wejiga labaad ee wax lagu sheegay biyo ballaadhinta Hargeysa, iyadoo caasimaddu biyo la’dahay intii ay Somaliland jirtayba marka laga tago degmooyinka 26 June iyo Ibraahim Koodbuur oo biyaha ugu badan ee Hargeysa hela. Muuse Biixi ayaa xadhiga ka jaray mishiino yaalay Geed-deeble muddo sanado…

Read More

Golaha Guurtida oo mar kale la hor gaynayo xeerarkii doorashooyinka

Hargeysa. 9 October, 2022. (QJ)- Mucaaradka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dedaalo sharci oo ay ku rabaan in xeerarkii doorashooyinka ee Golaha Wakiiladu meel mariyeen la hor keeno Golaha Guurtida. Xogo ay heshay warbaahinta Qurbejoog ayaa xaqiijinaya in dedaaladaasi gebagebo ku dhow yihiin, isla markaana la filayo in Golaha Guurtida la hor geeyo xeerarka. Gudoomiyaha…

Read More

Maxay daaranyihiin digniinaha kooxda alShabaab u dirtay Warbaahinta Soomaalida

Muqdisho. 9 October, 2022. (QJ)- Kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul uga hadashay amarkii shalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee warbaahinta lagaga mamnuucay iney baahiyaan wararka Shabaab iyo dadka la fikirka ah. Bayaan ka soo baxay kooxda ayaa digniin adag loogu diray warbaahinta qaadata amarada dowladda, iyagoo sheegay iney si lamid ah dowladda ay ula dagaalamayaan cidii…

Read More

Fashilka Muuse Biixi oo warqad uu soo qoray dhex mariyay Wasaaradda Arimaha Dibadda

Hargeysa. 7 October, 2022. (QJ)- Fadeexado badan ayaa dul hoganaya Madaxtooyada Somaliland kadib Muuse Biixi Cabdi oo warqad aan lasoo tifaftirin isagana kasoo baxday dhex mariyay Wasaaradda Arimaha Dibadda, iyadoo warqaddaa la gaadhsiinayay Beesha Caalamka oo iyadu diiday muddo kordhinta madaxweynaha. Warqadda ayuu Muuse Biixi ku garnaqsaday iyadoo hore mar walba oo uu umadda la…

Read More

Journalist detained at ATMIS camp in Burhakaba, his equipment confiscated

MOGADISHU, Somalia 06 October 2022 – Somali Journalists Syndicate (SJS), Federation of Somali Journalists (FESOJ), Somali Media Association (SOMA) and the Somalia Mechanism of the Safety of Journalists (SMSJ) jointly condemn the detention of Arlaadi Media Network (AMN) journalist, Yusuf Mohamed Adam, who was held at a military camp by the Ethiopian contingent under the…

Read More

Ciidamada Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen afhayeenkii alShabaab

Muqdisho. 6 October, 2022. (QJ)- Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dileen afhayeenkii kooxda alShabaab Sheekh Cali Dheere. Sida lagu sheegay warka ka soo baxay ciidamadda, Cali Dheere ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo Khamiistii 29-ka September ka soo gaadhay dagaal ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle, iyadoo dhaawiciisa lagu dabiibayay maalmahan degmada Aadan Yabaal. “Xog muhiim ah oo…

Read More