Xogo Daaha Ka Fayday Sababaha Soo Dedejiyey In Wasiir Cukuse Ka Libaysto Maareeye Khadar Cali Gaas Iyo Go’aanka Adag Ee Madaxweynuhu Dhegaha Kaga Furaystay Haween Ku Hor Baroortay
Hargeysa:May,01,2015(SDN/QJ)-Murankii Mudadda Sanadaha ah soo dhex jiitamayey Maareeyihii hore ee TV-ga qaranka Khadar Cali Gaas iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa xalay soo gebogeboobay, kadib markii uu madaxweyne Siilaanyo Maareeyahaas ka qaaday xilkii uu hayey. Su’aalaha ugu badan ee taagan xilligan, ayaa salka ku haya, sababta keentay in Maareeyihii hore ee taageero badan…
