Shirkada Microsoft oo ugu Danbayn Ogolaatay in Mobilka Android uu ku Shaqayn karo marka lagu xidho Laptob-ka barnaamijkiisu yahay Windows 10

New York 13. August 2017 (SDN/QJ):-Shirkadda caanka ah ee Microsoft ayaa shaaca ka qaadday in ay soo saartay barnamaamijka Windows 10 oo lagu daray adeeg cusub oo dadka isticmaala talefannada gacanta iyo qalabka kale ee ku shaqeeya barnaamijka Android u ogolaanaya in ay ku xidhi karaan kombiyuutarrada ku shaqeeye windows 10 iyada oo looga baahan…

Read More

Maxkamadda Dastuuriga Ee Somaliland Oo Qaraar Ka Soo Saartay Khilaafkii Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL AKHRI

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee JSL ayaa qaraar ka soo saartay dacwadii uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle u gudbiyey ee liddi ku aheyd Codeyntii amase doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee cusub. Qaraarka Maxkamadda Sare oo nuqul ka mid ah ay Heshay Shabakada Qurbejoog.com ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Read More

SOOL: Muuse Biixi & Khudbadiisii Kala-baydh iyo Dharkeyn-geeyo DAAWO

Kala Baydh 12. August 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey inuu jecel yahay in la helo Somaliland wax wada yeelata oo horumar samaysa. Waxaannu tilmaamay inaanay Jamhuuriyadda Somaliland ka maarmin bulshada ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag bari. Guddoomiye Muuse Biixi, waxa uu sidaasi ka sheegay khudbad aad…

Read More

“Anigu Gobalka Awdal oo Keliya uma ihi Murashax Madaxweyne Ku Xigeen Laakiin…..”. Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka WADDANI oo Si Diblomaasiyadeysan u Durey Saylaci DAAWO

Ceerigaabo 12. August 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo khudbad dhinacyo badan ujeediyey shacabka reer Ceerigaabo ee gobalka Sanaag oo si ballaadhan u soo dhaweeyey, waxaana uu sheegay in isagu aanu Murashax Madaxweyne keliya aanu u ahayn shacabka ku dhaqan deegaanada gobalka Awdalka oo uu ka soo jeedo balse uu sida oo kale…

Read More

Xildhibaan C.qaadir Jirde oo Soo Bandhigay Lix Qodob oo ah Waajib tahay in Maxkamadda Distooriga ahi ku Dhegaysto Dacwada Xildhibaan Talyanle DAAWO

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa  soo bandhigay dhawr qodob oo Somaliland iyo dunida ka dhacay oo maxkamadda sare ee Somaliland u ogolaanaya inay dhagaysato dacwadda uu Talyanle u gudbiyay. Cabdiqaadir Jirde wuxuu soo bandhigay 6 qodob oo kala ah: Doorashadii u dambaysay ee…

Read More

“Cidla Kama Sacabbo-tumanayee Cidda La Doortay Waa Sida Cadceedda, Baashe Hadduu 39 Cod haysto Muxuu La Aammusan Yahay, Muu Keeno…? Xildhibaan C.raxmaan Talyanle

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle) oo tartankii ay isaga iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax ugu tartameen jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Muran ka taagan yahay, Dacwadina Maxkamadda Sare ka taallo, ayaa Kursi-jacayl ku tilmaamay in Baashe oo aan weli Guddoomiyihii hore ee Golaahaas Cabdiraxmaan-Cirro xilka ku wareejin inuu fadhiisto Xafiiskaas oo…

Read More

Maamulka Puntland Oo Ku Hanjabay Inuu Carqaladaynayo Qaadashada Kaadhka Cod-bixinta Oo Sool iyo Sanaag ee Maanta Ka Bilaabantay Iyo Dhawaqyo Lidi isku ah DAAWO

Garowe 12. August 2017 (SDN/QJ):-Maamul-goboleedka Puntland, ayaa ku hanjabay inaanay oggolaan doonin in Hal Sanduuq oo kuwa Kaadhadhka Codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka Somaliland ah la geeyo gobollada Sool iyo Sanaag oo ay sheeganayso inuu Puntland yahay, waxaanu Maamulkaasi beeniyey inay wadahadal nabadgelyada Sanaaduuqda la xidhiidhaa dhex-maray dawladda Somaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)…

Read More

Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Ka Warramay Taariikhda Iyo Mabda’a Uu Ku Dhisanyahay Xisbiga Kulmiye Iyo Tayada Murrashaxiisa Madaxweynaha Mudane, Muuse Biixi DAAWO

Laascaanood 12. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye uu yahay Mid ku dhisan Mabaa’dii iyo Afkaar hodan ah Waxaanu Xusay in Murashixiintiisa u Loolamaya Jagooyinka Madaxweyne iy Ku Xigeen ay Yihiin Kuwa ugu waayo aragsan hogaamiyeyaasha tartanka kula jira.

Read More

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Ku Guulaystay Doorashadii Dalkaasi ka Dhacday Iyo Nuxurka Khudbad uu Shacabkiisa u Jeediyey DAAWO

Nairobi 12. August 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha dalka Kiiniya Mr: Uhuru Kenyatta  oo markii labaad ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka qabsoontay bishan sideedii ayaa markii u horaysay khudbad gaaban oo inta badan mahad naq ah u jeediyey dadweynaha dalkaasi gaar ahaan taageerayaashiisa. Hase ahaatee, Uhuru Kenyatta  waxa uu khudbadiisa ku xusay in uu madaxweyne u yahay…

Read More

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo Baylahda Qaranka Tusaale ugu soo qaatay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):-Hoggamiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa tilmaamay inay baylah tahay shaqadii qaranku, wasiiradii iyo agaasimayaashuna ku mashquleen dano u gaar ah iyo dano xisbi.   Md. Faysal, wuxuu baylahda qaranka tusaale ugu soo qaatay wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) oo uu arkay isagoo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE…

Read More

Ciidammada Booliiska Oo Heegan La Geliyey Iyo Sababta Ka Danbaysa DAAWO

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):-Ciidammada Booliiska Somaliland ayaa la geliyey Heegan Culus, maaddaama Dalku ku sii dhawaanayo Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada. Taliyaha Ciidammada Nabad-galyada Waddooyinka, ahna Afhayeenka Ciidammada Booliiska Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi oo Saxaafadda u faahfaahiyey ujeeddada Ciidammada loo geliyey Heeganka ayaa yidhi “Ujeeddada Ciidanka Heeganka loo geliyey waxa weeye in iyaga oo Ciidanku…

Read More

“Puntland Waxaanu Ku Heshiinay In Aanay Carqaladeyn Hawsha Qaadashada Kaadhadhka Cod-Bixinta…” Wasiirka Arr. Gudaha

Laascaanood 12. August 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Amniga Gobollada Sool iyo Sanaag ee ay Sabtida ka bilaabmayso Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka soo socda. Wasiir Faratoon wuxuu sheegay inay jiraan Kooxo uu ku tilmaamay Fallaago oo uu sheegay inay dhibaato amni daro ka wadaan Gobollada bariga,…

Read More

‘’Xisbiga Waddani Haddii uu Is Macaashsiiyo Madax-Wareer ayaa Ku Dhici Doona’’ Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Mudane Samaale

Hargaysa 12. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland,  C/casiis Maxamed Samaale, ayaa ugu baaqay xildhibaan C/raxmaan Talyanle in uu ku adkaysto go’aankiisii uu markii hore ku aqbalay in Baashe Maxamed Faarax, uu kaga guulaystay xilka guddoomiyenimo ee Wakiillada. Waxa kaloo uu  kula taliyay xildhibaan Talyanle, in guul-darada  uu aqbalo ay macnaheedu tahay in…

Read More

“Maanta Gobolka Sool Dhammaantii Waa Guri Nabadeed Oo Kala Dambayn Iyo Nidaam Leh, Taleex, Xudun Ilaa Xuduudkaa Aynnu Maanta Joogno Ee Dharkayn-geenyo, Saax-dheer Ilaa Boocame.” Wasiirka Madaxtooyada JSL SAWIRO

Dharkayn Geeyo 12. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi oo ku sugan gobolka Sool ayaa maanta si ballaadhan loogu qaabinay deegaamada Kalabaydh iyo Dharkayn-geenyo oo ku yaala koonfurka gobolkaasi.   Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Maxamuud Xaashi oo ka…

Read More

Mid ka Mid ah Wargaysyada ka soo Baxa Masar oo Aqoonsi Dadban Ku Tilmaamay Cilaaqaadka Somaliland iyo Isu Taga Imaaraadka Carabta

Qaahira 11. August 2017 (SDN/QJ):- Wargeyska SASA Post oo ka soo baxa dalka Masar, ayaa aqoonsi dahsoon ku tilmaamay heshiisyada ay wadagaleen Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu. Wargeysku wuxuu shalay  shalay daabacay warbixin lagu falanqeeyey danaha saldhigyada dalka Imaaraadka carabtu, ka samaysteen dalalka  Liibiya, Eriteeriya, Yeman iyo Somaliland, wargeyska Dawan ayaa akhristeyaashiisa u soo turjumay intii…

Read More