“Siday noogu Muuqato Wada Hadaladii way gaabinayaan Walaaladeena Somalia ayaa Cagta Jiidaya” Wasiirka Arrimaha Dibada {DAAWO}

    Qaahira 28.October 2013 (SDN) Weftigii ka Socday Xukuumada Somaliland ee Booqashada Shaqo ku Joogay Xarunta Wadanka Masar ee Qaahira ayaa kulan la qaatay Jaaliyada Somaliland ee Ku dhaqan dalka Masar isla markaana xog waran ka siiyay Ujeedada Socdaalka ay ku joogaan Wadankaasi . Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi…

    Read More

      Maayarka Ceerigaabo Oo Iclaamiyay Maalinta Qaadhaan Ururinta Wadada Iyo Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Daalo oo lagaga hadlay hawsha dhismaha wadada {DAAWO}

      Ceerigaabo 28.October 2013 (SDN)- Gudida Dhaqaale Ururinta Dhismaha Wadada Ceerigaabo ayaa maanta Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalada Ceerigaabo waxay ku soo bandhigeen Waxqabadkii u hirgalay Mudadii Kobnayd ee ay hawshaasi wadeen. Maayarka magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo Md. Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax, ayaa madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyay kuna bogaadiyay hindisaha wadada Burco iyo Ceerigaabo….

      Read More

        Wasiirka Warfaafinta Somalia oo Maanta Mar kale Hortagay Fadhigii Baarlamanka Federaalka

        Muqdisho 28.October 2013 (SDN)- Kulanka Baarlamaanka ee Maanta waxaa shir Gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyadoo furitaanka kulanka uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi sii gudagalay ka jawaabida su’aallo ay maalinnimadii shalay weydiiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka, Wasiirkana Jawaabaha qaarkood waxa uu u cuskaday Dastuurka…

        Read More

          Wasiirka Ciyaaraha oo Deeq Kubado ah ka Gudoomay Fanaanka Farxaan Muuse Cige “Xidig”

          Hargaysa 28.October 2013 (SDN)-Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Raygal ayaa maanta deeq Kubado ah kala Wareegay Fanaanka Farxaan Muuse Cige “Farxaan Xidig”. Deeqdan oo ka Koobnayd 400 oo Kubadood ayaa wareejinteedii waxaa ka hadlay Fanaanka Farxaan Muuse Cige ayaa sheegay inuu Kubadahan ugu talo galay caruurta Somaliland ee aan  iyagu awoodin inay…

          Read More

            Wasiirka Maaaliyada oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyay Gudida Fulinta iyo Qaban Qaabada ee Shirweynaha Kulmiye

            Hargaysa 28.October 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Maanta Hadhimo Sharafeed u sameeyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Guddida Qabanqaabinaysa Shirweynaha Kulmiye ee Qabsoomi doona Bisha 12-aad ee sanadkan. Qado Sharaftan Waxaa ka Qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici), Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Xubno wasiiro ah iyo…

            Read More

              Xarunta Derbi jiifka oo ay Xukuumadu la Wareegtay Xili ay Xabsiga ku Jirto agaasimihii Xaruntaasi iyo laba caruur ah oo ay dhashay

              Hargaysa 28.0ctober 2013  (SDN)- Xukuuumadda somaliland ayaa Maanta ciidan xoogan u dirtay xarunta darbijiifka luul Xasan mataan si ay ula wareegto maadaama xabsiga la dhigay agaasimihii xaruntaasi marwo Luul Xasan Mataan iyo Carruur ay dhashay. Xukuumadda ayaa isla saaka si rasmi ah Xarunta Darbi-jiifka xaafadda Maxamed Mooge si rasmi ah ugu wareejisay Ciidanka Asluubta, kuwaas…

              Read More

                Nin Walawba Runta ka hadal siday kuula Muuqato ” Kaambaynka Qaran ee Wadadda Ceerigaabo.” Maxaa wadooyinka looga Calmaday?

                Salaan kadib akhristayaal siday aniga ilii muuqato xaaladda dalkeenii Somaliland maraayo horta wadaniyadda bogeedii wuu laabmay. Ninkii odhanya goormana waxaan leeyahay ” Shalay” ” markuu Kulmiye dalka qabsaday” markaas nin waliba afkiisa wuu furanayaa oo iintiisa wuu odhanayaa, waayo sharci u diidayaa ma jiro haday halkaas marayso oo aan qaranimo jirin. Meela laga dhawrsan jiray…

                Read More

                  Boorama: Wefti Wasiiro oo ka Warbixiyay Daraasado ay ka Samaynayeen Xakamaynta Tahriibka

                  Borama  28.October 2013 (SDN)- Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta C/waaxid c/raxmaan C/dulqaadir  ayaa faahfaahin ka bixiyay safar shaqo oo ay muddo saddex maalmood ah magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal  ugu maqnaayeen wafti wasiiro ah oo uu isagu hogaaminayay. Wasiirka  Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha oo xalay…

                  Read More

                    Maxay ka Wada Hadleen Ra’isal Wasaare Saacid iyo Wasiirul Khaarajiga Holland

                    Muqdisho 28.October 2013 (SDN)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xaafiiksiisa ku qaabilay wafti ka socda dowlad Holland oo ay hogaaminyaso Wasiirka Arrimaha Dibada, Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga Liliane Ploumen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey booqashadeeda ay markii ugu horaysay ku timaado Soomaaliya iyadoo hogaaminaysa ganacsato reer…

                    Read More

                      “Sanadka fooda innagu soo haya ee 2014-ka waxaanu rajaynayaa jidkan inta ugu badani inuu dhamaystirmo” Maareeye ku Xigeenka Hay’ada Wadooyinka

                      Ceel Afweyn 28.October 2013 (SDN)- Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ayaa maanta  bilaabay qorshaha   lagu calaamadinayo  goobta ay ka bilaabi doonaan  jidka dheer ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, qeybtiisa loo qoondeeyay in laga bilaabo degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Axmed Siciid Godane oo ka mid ah waxgaradka reer Ceel afweyn ee u xilsaaran qaban…

                      Read More

                        wasiirka arrimaha dibadda ee Holland oo Booqatay Muqdisho iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay

                        Muqdisho 28.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Netherlands, Lilianne Ploumen iyo ganacsato ka socday dalkaas. Madaxweyne Xasan ayaa uga mahad-celiyay wasiirka booqashada ay ku timid Soomaaliya, isagoo sheegay in booqashadeeda ay astaan xooggan u tahay xaaladda ka soo wanaagsanaaneysa ee…

                        Read More

                          “Dowladdeydu waxa ay diyaar u tahay inay qaadato mas’uuliyad weyn marka laga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya” Ra’isal Wasaare Saacid

                          Muqdisho 28.October 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa furay shir ku saabsan horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyay ee looga hadlo dhaqan-gelinta Heshiiska Cusub (New Deal) ee uu qabanqaabiyay Midowga Yurub. Shirka waxaa ka qeyb-galay wakiillo ka kala socday xafiiska madaxweynaha, baarlamaanka, wasiirro, xubno ka socday bulshada caalamka, bulshada rayidka ah…

                          Read More

                            Mucaaridka Islamiyiinta Syria oo qaadacay in wadahadal lala galo madaxweyne Bashar Asad

                            Istanbul Oct 28,2013(SDN)-Inta badan mucaaridka dalka Syria ayaa shaaciyay in aaney sinaba u ogolaan doonin in ay wadahadal la galaan xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Bashaar Al Asad ee dalkaasi. Wadahadalada nabadeynta Syria oo ay qaban qaabiyeen dawladaha Mareykanka iyo ruushka oo la kala safan dhinacyada Syria ayaa mudo la abaabulayay. “Waxaanu shaacineynaa in shirka Geneva…

                            Read More

                              Madaxweynaha Mareykanka oo aan loo sheegin in sirdoonku dhegeysteen Agela Merkel

                              Washington Oct 28,2013(SDN)-Madaxa hay’ada amaanka Mareykanka ee NSA Keith Alexander ayaa sheegay in aanu madaxweynaha Mareykanka Barack Obama kala hadal in ay dhegeysteen Telephone-ka haweeneyda Hogaamisa dalka Jarmalka Angela Merkel. Gen Alexander oo qoraal soo saaray ayaa beeniyay war saxaafadu qortay  oo tibaaxayay in madaxweynaha Mareykanku ka war hayay dhegeysiga Angela Merkel. Wararka saxaafadu daabacday…

                              Read More

                                Hannaan Wasaaradda Qorshaynta Qaranku ku Diiwaangelinaysay Shacabka oo Khal khal ka Abuuray Gobollada Dalka iyo Shaqaalihii Gabiley Loo Diray Oo Arabsiyo Lagu Soo Celiyey

                                Hargeysa:28-Oct-2013(SDN)-Qorshaha lagu Diiwaangelinayo Dadweynaha ee Loo yaqaanno (Population Estimation Servey) oo ay waddanka ka wadday Hay’adda UNFPA, ayaa abuurtay muran iyo is qabqasi bulshada dhexdeeda ah. Qorshahan oo haatan ku jira Wajigiisii labaad, ayaa xambaarsan Qodobbo Halis ku ah qaranimada Somaliland oo lagu sargooyey Nidaamkii Dawladdii Soomaaliya ee 18-ka Gobol ahaa, taas oo sidoo kale…

                                Read More

                                  Wasiir Isdifaacidiisu Karkaarka Weydaarisay, Eedo Lala Xidhiidhiyeyna Kula Galgashay Warbaahinta Madaxa Bannaan

                                  Hargeysa:28-Sep-2013 (SDN) –Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Abokor Cismaan ayaa iska difaacay eedo uu Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo isagu todobaadkii hore nin hubaysani ku weeraray Xaafadda Jigjiga yar ee magaaladda Hargeysa  ku eedeeyey in isaga iyo Wasiirka Warfaafintu   ay ka danbeeyaan weerarkaas. Cabdillaahi Abokor  oo la sheegay inuu Eedaysane…

                                  Read More

                                    Goobtii uu Wasiir Samaale Shalay Ka Dhacadiidsaday Madashii Kulmiye Oo Sawir Buuxa Ka Bixisay Hankiisa Dambe

                                    Hargeysa:28-Oct-2013 (SDN)- Shirkii maalintii shalay ka dhacay madaxtooyada somaliland ee uu madaxweyne Siilaanyo kula shirayey Guddida loo saaray Qabanqaabada shirweynaha xisbiga ee Dhammaadka sannadkan dhici doona, ayaa laga dhex arkayey loollanka adag ee uu wasiir samaale kula jiro Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi. Shirkan oo dhacay Hoolka Cusub ee madaxtooyadu dhawaan dhisatay, ayaa uu Wasiir…

                                    Read More